DHAGEYSO:- Maamulka Puntland oo Fariin adag u dirtay Shacabka Boosaaso iyo Kulamo ka socda Magaaladaasi

0

Wasiirka deegaanka maamulka Puntland Cali Cabdullaahi Warsame oo Warbaahinta la hadlay ayaa Waxa uu ka digay in rabshadaha ka dhacaya Boosaaso loo adeegsado dadka shacabka ah.

Waxa uu sheegay in aysan raali ka ahayn Maamulka Puntland in la dhibaateeyo shacabka Boosaaso isla markaana fikrado qaldan laga dhaadhiciyo.

Waxa uu tilmaamay in Ciidamada amaanka Maamulka Puntland ay ku dadaalayaan sidii ay u xakameyn lahaayeen amaanka Magaalada Boosaaso.

Wasiirka deegaanka maamulka Puntland Cali Cabdullaahi Warsame ayaa hadalkaani ka sheegay ka dib kulan uu la qaatay Shacabka ku nool Magaalada Boosaaso.

Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa dhawaan ka dhacay Banaanbaxyo rabshado wata, waxaana Banaanbaxyadaasi ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo Dhaawac.

Hoos ka Dhageyso Codka:-