DHAGEYSO:- Maamulka Puntland oo go’aano ka soo saaray Badeecooyinka laga soo dejiyo dekedaha aysan Maamulin Puntland

0

Wasaaradda Maaliyadda Maamulka Puntland ayaa ka digtay in Badeecado laga soo dejiyay Dekadaha uusan maamulin ama lahayn maamulka Puntland in la geeyo degaanada Maamulka Puntland.

Agaasimaha waaxda Canshuuraha ee Wasaaradda maaliyadda maamulka Puntland Cali Jaamac Gaashaan ayaa sheegay in Hay’adaha qandaras qaatayaasha ah sida WFP aysan badeecado aan ka soo degin dekadda Boosaaso geyn karin degaannada Maamulka Puntland.

Waxaa uu sheegay in Dekadda Boosaaso ay diyaar u tahay in wax laga soo dejiyo, waliba Cnashuur dhaaf sameyso iyada oo taa la heli karana aysan Puntland aqbali karin in dekad aan hoostagin Puntland wax laga soo dejiyay la geeyo degaannadeeda.

Waxaa uu intaa ku daray in ay go’aan ka qaateen oo Wasaaradda Maaliyadda,arrimaha gudaha iyo manigaba ay go’aan hore ka soo saareen laakiin aysan wali  joogsan,waxana uu sheegay in ay si deg deg ah wax uga qaban doonaan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-