DHAGEYSO:- Maamulka Somaliland oo dalbaday in dib loo soo celiyo Wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland

0

Wasiirka arimaha dibadda maamulka Somaliland Sacad Cali Shire ayaa sheegay iney muhiim tahay sii socoshada wadahadalada u dhaxeeya dowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

Sacad cali, ayaa sheegay in maamulka Soomaliland uu diyaar u yahay dhankiisa inay sii socdaan wadahadalada wuxuuna sheegay arintaasi laga dhabeyn doono dhanka Somaliland.

Wadahadalada Dowlada federaalka iyo maamulka Soomaaliland ayaa in mudo ah soo socoda iyada oo aysan jirin wax badan oo hormar ah oo laga gaaray.

Mudooyinkaan danbe ayaa sidoo kale waxaa jiray hadalo ay warbaahinta isku marinayeen labada dhinac kuwaas oo u muuqday kuwo keeni kara qilaaf cusub sida ay sheegeen masuuliyiinta labada dhinac ah.

Hoos ka Dhageyso Codka:-