DHAGEYSO:- Maareeyaha Garoonka diyaaradaha Boosaaso oo si adag kaga hadlay amniga garoonka

0

Maareeyaha Garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso  Bashiir Muuse C/raxmaan ayaa waxaa uu ka hadlay arimo dhowr ah oo la xiriira garoonka Boosaaso iyo amaankiisa.

Waxaa uu tilmaamay in garoonka xaaladiisa ay tahay mid dagan isaga oo intaa ku daray in garoonka amaankiisa guud wax laga badalay laguna xoojiyay ciidamo tababaran gaar ah leh.

Maareeyaha ayaa  fariin u diray dadka garoonka ka dhoofaya oo uu u sheegay inay ka qeyb qaataan amniga ayna ogolaadaan in baaritaan la marsiiyo xilliga ay garoonka ka dhoofayaan.

Bashiir ayaa sidoo kale waxaa uu soo hadal qaaday in shacabka ay la shaqeeyaan  Booliska si amaanka guud loo ilaaliyo.

Hoos ka Dhageyso Codka:-