DHAGEYSO:- Madaxda maamulka Jubaland oo QM kala hadlay wax u qabashada dadka ka soo laabanaya xeryaha barakacayaasha ee dalka Kenya

0

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubaland Jeneraal Fartaag oo la kulmay xubno kasocda QM ayaa sheegay in arimaha ugu weyn ee uu kala hadlay ay kamid ahaayeen sidii wax loogu qaban lahaa dadka Soomaaliyeed ee dib uga soo laabtay xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya eek u sugan deegaanada Jubooyinka.

Waxa uu sheegay in sidoo kale laga wada hadlay dib u dajinta qoysaskii ay saameeyen duqeymaha diyaaradaha dagaalka Kenya ay ka qeysteen deegaanka Ceel cade oo katirsan gobolka Gedo dhamaana waxyaabihii laga wada hadlay laisku afgarya sida uu sheegay.

Deegaanada Jubooyinka waxaa dhawanahan soo gaaray qoysas dib uga soo laabtay xeryaha qaxootiga dalka Kenya kuwaas oo hada u baahan gargaar deg deg ah.

Hoos ka Dhageyso Codka:-