DHAGEYSO:- Madaxweynaha Gobolada dhexe ee Ahlu-Sunna oo sheegay in ay wada hadal la galayaan kaliya Dowlada Xasan Sheekh+ Fariin toos ah Galmudug

0

Madaxaweynaha Maamulka Gobollada dhexe ee Ahlu Sunna waljamaaca Sh.Max’ed Shaakir ayaa sheegay in kaliya ay la hadlayaa Dowladda Federaalka ah ee Somaaliya marka laga hadlayo arrimaha gobollada dhexe ee Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay heshiis kula jiraan iyaga islamarkaana ay dowladda ka baxday heshiiskaas,waxaana uu intaa raaciyay in aysan wali ka quusan in iyaga ay la hadlaan Dowladda dhexe.

Waxaa uu Sh.Max’ed Shaakir sheegay in Wasiirka Gaashaandhigga iyo Ahlu Sunna ay ku heshiiyeen Magaalada Guraceel ee Gobolka Galguduud,sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Wafdi la socdayna ay kula heshiiyeen Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galguduud.

Sheekh Max’ed Shaakir ayaa intaa ku daray in aysan jirin cid aan ahayn Dowlada Soomaaliya oo ay kala hadlayaan Gobollada dhexe gaar ahaan goobaha ay maamulaan.

Wasiirka arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaalya C/Raxmaan Max’ed Xusene Odawaa ayaa dhawaan ugu baaqay Galmudug iyo Ahlu Sunna in ay si deg deg ah wadahadal u billaabaan si loo dhameeyo khilaafka siyaasadeed ee ka dhex jira labada maamul.

Halkaan ka dhageyso