DHAGEYSO:- C/kariin Xuseen Guuleed oo Degmada Hobyo u gaaray Magacaabista Maamulka Cusub ee Degmadaasi

0

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa Maanta gaaray Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug si uu Maamul Cusub ugu sameeyo Degmadaasi.

Madaxweynaha Galmudug ayaa lagu wadaa inuu kulamo gaar gaar ah la qaato qeybaha kala duwan ee Bulshada, kana dhageysto baahiyaha ka jira Degmadaasi.

Waxa uu sidoo kale lahu wadaa inuu halkaasi kaga dhawaaqo Maamulka Cusub ee Degmada Hobyo oo ka mid ah deegaanada uu ka taliyo Maamulka Galmudug.

Waxaa sidoo kale isla maanta lagu wadaa in Maamulka Cusub ay si rasmi ah Xilka ula wareegaan, kanala Wareegaan Maamulkii hore ee Degmada Hobyo.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa mudooyinki dambe ku howlanaaa sidii isbedel buuxa uu ugu sameyn lahaa deegaanada uu ka taliyo.

Hoos ka Dhageyso Codka:-