DHAGEYSO:- Madaxweynaha o sheegay in Maxkamad la soo taagayo cid walbo oo ku lug lahayd Qaraxii Diyaarada Daallo

0

Isaga oo Baarlamaanka Soomaaliya ka hor hadlayey Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud waxaa uu sheegay in hada laamaha Amniga ee Dowlada Soomaaliya  ay Baaritaan ku hayaan Sidii loo maleegay Qaraxii Diyaarada Daallo ka dhexdhacay.\

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in cidkasta oo ku lug-yeelata Qaraxaa ama xitaa fududeysay in talaabo laga qaadi doono Baaritaankuna uu xiligan meel wanaagsan marayo.

Dhanka kale Madaxweyanaha Soomaaliya ayaa waxaa uu tilmaamay in Dowladu ay dhawaan soo bandhigi doonto Qorshe Siyaasadeen kaas oo dhanka Amniga Qaranka quseeya.

Qaraxii Diyaarada Daallo ayaa hada Baaritaanka sida uu Qaraxu u dhacay waxaa ku lug leh Saraakiil cadaan ah, waxaana Muuqaalo qaar oo laga helay Kaamirooyinka Qarsoon ee Garoonka Diyaaraha ee Muqdisho ay Mujinayaan sida loo fududeeyey Qaraxa iyo Dadka ka qeyb-qaatay.

Hoos ka Dhageyso Codka:-