DHAGEYSO:- Masuul Katirsan Dowlada oo isku dey Dil ka badbaaday iyo Magaciisa

0

Faah faahino Dheeraad ah ayaa ka soo baxayaa weerar la sheegay in lagu qaaday gudoomiyihii hore ee Degmada Marka Maxamed Cusmaan Yarisoow.

Weerarka ayaa waxaa uu ka dhacay Guriga Gudoomiyaha iyadoona halkaas uu ku dhaawacmay mid kamid ah Ilaalada Gudoomiye Yariisoow.

Maxamed Cusmaan Yariioow oo lahadley Mid kamid ah warbaahinta Muqdisho ayaa waxaa uu u sheegay in uu soo weeraray masuul katirsan Maamulka Degmada Marka ay dowlada u magacawday.

Waxaa uu gudoomiye yariisow ku eedeeyay Cali Nuure in uu soo weeraray islamarkaana uu qorshaha uu ahaa in halkaa isaga lagu dilo.

Dhinaca la eedeeyay Ee Gudoomiye Cali Nuure oo aan la xidhiidhnay ayaa anaga qudheena inoo sura gelin si eedeeynta loo jeediyay aan wax uga weydiino.

Halkaan ka dhageyso