DHAGEYSO:- Masuuliyiin ka kala socotay QM iyo Dowlada Soomaaliya oo Barakacayaasha ku nool Kismaayo

0

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaarada Howlaha guud ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Eng, Saalax Sheekh Cismaan oo ay ka mid yihiin Wasiiru-dowlaha Wasaarada arrimaha gudaha Cabdirashiid Maxamed Xidig iyo saraakiil kale oo ka tirsan hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa Maanta gaaray Magaalada Kismaayo.

Masuuliyiintaan ayaa Waxay Magaalada Kismaayo kula kulmeen Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland oo uu ugu horeeyo Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland.

Kulanka ayaa waxaa loogu hadlay xaaladaha amaan iyo tan beni’aadanimo ee ka jirta deegananda Maamulka Jubbaland, Waxaana isku afgartay la taageero dadka danyarta ah ee ku dhibaateysan deegaanada Jubooyinka.

Wafdiga ayaa sidoo kale waxay booqdeen xeryaha barakacayaasha, Waxayna Warbixino ka dhageysteen dadka ku nool Xeryaha ay booqdeeen.

Halkaan ka dhageyso