DHAGEYSO:- Maxaadan ogeyn oo ka soconaya Hobyo ?

0

Magaalada Hobyo ee Xaruurta Dhaqaalaha Galmudug Waxay Maalmahan Noqotay Xaruun Mashquul iyadoo Ay gareen Madaxda ugu Sareysa Galmudug iyo Ganacsato iyo Wasiiro ka Socda Dowlada Somalia.

Hormarinta Magaalada Hobyo Waxaa Dhinac Socda Magacaabida Gudoomiyaha Cusub ee Hobyo Kaasi oo Madaxweynaha Galmudug Cabdi kariin La Doonayo Ruux Asaga uu La Rabo inkastoo Beelaha Deegaanka Aysan Ku Qancin Arinkaasi.

Madaxweynaha Galmudug Cabdi kariin oo Markii Hore Damacsanaa in uu Toos u Magacaabo Ayaa Hada Bilaabay in Arinka Beelaha Gobolka Dega isla markana ugu Tunka Weyn ku Qanciyo in Meerto Noqoto Xilka oo Lagu Qanco Arinkaasi.

Wariyaheena Hobyo ayaa ku Waramaya in Xaalada Hada Sidii Hore ay ka Dabacday oo Leesku Soo Dhawaaday Waxaa kaloo uu ii sheegay in Ay Dhici karto in Masuulkan Madaxweynaha uu Magacaabo isla Markana Lagu Qanco inkastoo uu ii sheegay in uusan Heyn Xaqiiq ku Aadan in Arinka La Ogolaaday Madama kulamo Ay Socdaan.

Cabdi kariin Ayaa Doonaya in Beesha Aan Xiligan Go.ankiisa ku Qanacsaneen uu ku Qanciyo xilal Kale Sida Maamulka Dekada iyo Arimo kale inkastoo Warkaasi Wali uusan soo bixin Madama Dadka Deegaanka isla Leh ay Yihiin Dadka Hada Cabanaya.
Hadaba Qaabkii Horay Wax ugu Socdeen iyo Madaxda Galmudug ee Halkaasi ku Sugan Waxaa Ka Diyaarinay Warbixin Guud.

Halkaan ka dhageyso