DHAGEYSO:- Maxkamad ku taala Jazeerada Malta oo Muwaadin Soomaaliyeed Xabsi ku xukuntay

0

Muwaadin Soomaaliyeed oo 21 sano jir ah ayaa lagu xukumay xabsi labo sano ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya 2,300 oo Yuuro, waxaa laga qaaday warqadaha ogolaanshaha kaxeynta gaadiidka ee Leysan-ka loo yaqaan.

Muwaadinka Soomaaliyeed ayaa lagu eedeeyay inuu xaday gaari Arbacadii lasoo dhaafay magaalada Munxar uuna kaxeeyay gaariga oo aan la laheyn siyaasada Ceymiska ee Jazeerada Malta.

Maxkamada ayaa dhageysatay dacwada loo heysto muwaadinka Soomaaliyeed waxaana la sheegay inuu shil galay shaqsiga Soomaaliyeed, isaga oo burbur kale u geystay seddex gaari oo kale.

Muwaadinka Soomaaliyeed ayaa maxkamada horteeda ka qirtay dhamaan eedeymaha loo jeediyay, oo ay kamid yihiin inuu si sharci daro ah u kaxeeyay gaariga uuna galay shil gaari oo sababay burburka gaadiid kale.

Maxkamad ku taala Jazeerada Malta ayaa sidoo kale xukun ku riday ruux 26 sano jir ah oo Malta u dhashay kadib markii isna lagu eedeeyay inuu weerar ku dilay ruux ku sugnaa deegaanka Xaghra bishii lasoo dhaafay.

Maxkamada ayaa kaga digtay dhalinyarada kale iney sameeyaan waxyaabaha sharci darada ah ee keenaya iney shilal kale galaan ama ay ku xad gudbaan sharciga u yaala dalka Malta.

Halkaan ka dhageyso