DHAGEYSO:- Maxkamad ku taala UK oo Xabsi 15 ku riday Wiil Soomaaliyeed

0

Wiil Dhalinyaro Soomaali ah ayaa lagu xukumay xabsi 15 sano oo xarig ah kadib markii uu toorey la dhacay haweenay ay Saaxiibo dhow ahaayeen oo ku sugneyd magaalada London ee dalka Ingiriiska, xili ay gaari ku wada sugnaayeen.

Muwaadinka Soomaaliyeed oo u cararay dalka Ethiopia markii uu falka tooreyda u geystay gabar yar oo ku sugneyd dalka Ingiriiska ayaa lagu xukumay xabsiga gaaraya 15 sano, sida maxkamada ay shaacisay.

Mahad Aadan oo 33 sano jir ah ayaa lagu xukumay xabsiga markii uu qirtay eedeymaha loo jeediyay oo ahaa inuu dhaawacay haweeneyda oo ku sugneyd dalka Ingiriiska.

Weerarkaasi ayaa dhacay bishii September 16 sanadkii 2013, kaasi oo ka dhacay meel ku dhow deegaanka Torcastle, waxaana Mahad Aadan iyo gabadha tooreyda lala dhacay la sheegay inuu xiriirdhow ka dhaxeeyay.

Ka hor inta uusan Tooreyda ku dhaawacin gabadha ayaa Mahad Aadan waxaa la sheegay inuu dagaal kooban dhex maray isaga iyo gabadha uuna wajiga ka feeray marar badan.

Mahad Aadan oo sanadkii 2013 kasoo tagay dalka Uk ayaa tagay dalka Ethiopia ayaa ku laabtay dhamaadkii 2015 dalka Ingiriiska iyado lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Heathrow, waxaana lasoo taagay maxkamada Conventry Crown ee dalka Ingiriiska.

“Markii uu tooreyda uu igu bilaabay gacmaheyga ayaan wajiga saartay waxaana hoos u eegayay dhiiga kasoo daadanaya wajigayga,waxaana dareensaday haddii aan gaariga ka bixi laheyd inuu i dili lahaa”ayay tiri gabadha uu Mahad dhaawaca tooreyda u geystay.

Hoos ka Dhageyso Codka:-