DHAGEYSO:- Mid ka mid ah Ciidanka Ilaaliya Xabsiga Dhexe Oo Looga Shakiyay Al-Shabaabnimo.

0

skaro ka trsan Ciidanka Asluubta kana mid ahaa ilaalada Xabsiga Dhexe ee Muqdisho ayaa looga shakiyey inuu xiriir la lahaa Ururka Al-Shabaab.

Askariga ayaa waxaa ka shakiyay askar kale oo ka tirsan Ciidanka asluubta soomaaliyeed waxaana la dhigay Xabsiga.

Afhayeenka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Macalin Xasan Cali ayaa shegay Askariga la xiray in habeenkii xili dambe u caado ka dhigtay inuu ka dhex baxo Ciidanka sidaa awgeedna looga shakiyey.

Afhayeenka wuxuu intaas ku daray in Askariga la xiray aanan lagu heyn wax cadeyn ah oo la xiiriira Al Shabaab balse waxa uu u xiran yahay ay tahay oo kaliya tuhun.

Askarta qaar ee Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa horay loogu xeray iney xiriir la leeyihiin Al-Shabaab oo ay la shaqeeyaan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-