DHAGEYSO:- Munaasabad loogu dabaal degaayay 51 sano guuradii ka soo wareegatay aas-aaska ciidanka Badda Somaliya oo Muqdisho ka dhacday

0

Munaasabad Ballaaran ayaa waxa ay maanta ka dhacday Magaalada Muqdisho taasi oo lagu maamuusayey Aas aaska 51 Sano guuradii Ciidanka Badda Soomaaliya oo maanta la joogo.

Xaflada ayaa waxa ka qeyb galay Mas’uuliyiin katirsan Dawlada Soomaaliya islamarkaana Ciidanka Badda ay soo bandhigeen dhoolatus ku aadan qaabka ay ushaqeeyaan.

Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya Madeey Sheekh Nuur Ufuroow oo munaasabada ka hadlay waxa uu sheegay inay dhibaato ku qabaan Ciidanka ilaalada isku magacaabay Xeebaha Soomaaliya kuwaasi uu ku eedeeyey inay kheyraadka dalka iska dal dashaan.

Sidoo kale R/wasaare Kuxigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte ayaa waxa uu sheegay inay jiraan dhibaatooyin kabadan ciidanka Ajaanibta ay ku shubaan Biyaha Soomaaliya.

Halkaan ka dhageyso