DHAGEYSO:- Puntland oo Beesha caalamka u gudbisay inaysan aqbaleyn nidaamka 4.5 iyo Michael Keating oo odoyaasha Puntland kala kulmay wax uusan fileyn

0

Maanta oo arbaco ah waxaa magaalada Garowe ku shiray xubnihii Beesha caalamka oo u hogaaminayey ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating iyo Isimada Puntland.

Kulanka ayaa looga hadlay aragitada Shacabka Puntland ka qabaan 4.5ka oo laga soo saaray Shirkii dhawaan kusoo dhamaaday Muqdisho,waxayna xubnahan u yimaadeen Puntland sidii Shacabka iyo Maamulka Puntland loogu qancin lahaa 4.5ka.

Isimada Puntland ayey Saaka kala hadleen inay taageeraan natiijada Shirkii Muqdisho laga soo saaray,waxayna Isimadu Michael Keating iyo xubnihii la socdau u sheegeen inay taageersan yihiin go’aanka Puntland ka qaateen 4.5ka

Garaad Cabdullaahi Cali Ciid oo ah afhayeenka Isimada Puntland oo ka qayb galay Shirka ayaa xusay in ergayga Qaramada Midoobay iyo xubnihii la socday kala shireen aragtida 4.5, bale waxaa uu sheegay Garaadku inay si cad ugu shegeen in ay la fikir yihiin madaxda Puntland.

Shirkii saaka lagalay ayuu sheegay in uu sidaa ku soo dhamaaday,Isimada Puntlandna ay u sheegeen xubnaha beesha caalamka in ay la mowqif yihiin madaxda Puntland taageersan yihiina hab deegaan.

Halkaan ka dhageyso