DHAGEYSO:- Rag lala xiriirinayo Al-Shabaab oo lagu qabtay Degmada Baraawe

0

Ciidamada Milatariga  Soomaaliya oo Howlgal ka sameeyay Degaano hoostimaada Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in ay Gacanta ku dhigeen Rag Lala Xariirinayo Xarakada Al-shabaab.

Sargaal ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Ee Howlgalkaasi wada oo lagu Magacaabo Cali Dagaal Xirsi ayaa sheegay in Ciidamada ay Gacanta ku soo dhigeen Afar Ruux oo lala Xariirinayo Al-shabaab islamarkaana ay u maleenayaan Dhalinyarada Al-shabaab u Aruuriya Xoolaha Sakada ah ee Shabaabku ay ugu yeeraan Sakawaadka.

Cali Dagaal Xirsi ayaa sidoo kale sheegay in Ciidamada MIlatariga Soomaaliya ay qabsadeen Degaano ay Al-shabaab horay ugu sugnaayeen oo hadda ay Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay Joogaan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-