DHAGEYSO:- Salaad Cali Jeelle oo dowlafa ku weeraray nidaamka 4.5 isagoona Puntland taageere u muujiyay Muxuuse ka yiri Gaas ?

0

Siyaasiga Salaad Cali Jeeli ayaa taageeray go’aankii dhawaan ay Maamulka Puntland uga soo horjeesatay Doraashada Dalka ka dhaceysa in lagu saleeyo Nidaamka 4.5

Isagoo sii hadlayay Siyaasigan ayaa waxuu tilmaamay in Nidaamka 4.5 uu yahay waxyaabaha Dalka ragaadiyay islamarkaana ku tilmaamay in qaabkaasi ku saleysan 4.5 mid laga dhaxlay dhibaatooyin badan waxuuna carabka ku dhuftay Siyaasi Salaad Cali Jeelle in Shirar badan oo Dalka lagu qabtay ay Dadka Soomaaliyeed ku diideen habka awood qeybsiga eek u saleysan 4.5

Geesta kale, Salaad Cali Jeelle oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa qeexay in uu xalka ku jiro in Dowladdu ay fuliso ballan qaadkii ay u sameysay Umadda Soomaaliyeed Sanadda 2012-kii si looga gubdo Marxalada uu haatan Dalka marayo, isagoona ugu baaqay Dowladda raacida wax uu qorayo Dastuurka.

Halkaan ka dhageyso