DHAGEYSO:- Shir u Dhaxeeya Puntland & Beesha Caalamka oo Garowe ka furmaya

0

Magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa maanta waxaa la filayaa inuu ka furmo shir u dhaxeeyo madaxweynaha maamulka Puntland iyo wakiilo ka socdo ururada iyo dowladaha daneeya arimaha Soomaaliya.

Wafdiga la kulmaya madaxweynaha maamulka Puntland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Puntland, waxaa hogaaminaya wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating.

Madaxweyne C/Welli Maxamed Cali, oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garowe ayaa sheegay in wafdiga magaalada Garowe ay ku sugnaan doonaan muddo seddex maalin ah ayna la kulmayaan qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Garowe.

Ujeedada kulanta ayaa ah sidii maamulka Puntland looga qancin lahaa diidmadii ay ka muujisay shirkii madasha wadatashiga ee ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo laga soo saaray go’aano ay kamid ahaayeen in aqalka hoose ee baarlamaanka xildhibaanada lagu soo xulo nidaamka 4.5, aqalka saranna lagu soo xulo hab maamul goboleed.

Madaxweynaha Puntland C/Welli Gaas, wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay in wadahadalka ka dhacaya magaalada Garowe laga soo saaro qodobo wanaagsan oo ay la dhacaan shacabka deegaanada Puntland.

Halkaan ka dhageyso Codka