DHAGEYSO:- Somaliland oo amar dul dhigtay dadka ka dhoofaya Garoonka Diyaaradaha Hargeysa

0

Iyadoo dhawaan qarax ka dhacay gudaha Diyaarad ay leedahay shirkadda Daallo oo ka kacday magaalada Muqdisho, ayaa waxa isa soo taraya walaacyada amni ee garoomada diyaaradaha qaarkood.

Somaliland waxa ay sheegtay inay qaadday tallaabooyin kor loogu qaadayo amniga garoomada diyaaradaha, waxaanay soo saartay amaro la xidhiidha dadka dhoofaya.

Wasiirka duulista iyo hawada Somaliland Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) ayaa sheegay in amarradaasi ay ka mid yihiin in si gaar ah loo soo dhaweeyo dadka diyaaradaha ka soo raaca Muqdisho.

Waxaa uu sheegay in Dadka Diyaaradaha raacaya looga baahan yahay in Kombuyuutarrada,Taleefanada iyo wixii la mid ah ee ay wataan la shido ka hor inta aan lala raacin Diyaaradda lana hubiyo,taas oo uu sheegay in ay wax uga qabanayanaa Amniga Garoonka Cigaal ee Hargeysa.

Halkaan ka dhageyso