DHAGEYSO:- Soomaali lagu dilay Kanada Iyo Cabsi soo wajahday Soomaalida halkaasi ku nool

0

Shalay waxa magaalada Toronto ee dalka Kanada lagu aasay Sharma’arke Faarax oo ahaa 17 jir Soomaali deggan Kanada, kaas oo Axaddii la dilay.

llaa iyo hadda ma cadda cidda dilkiisa ka dambeysa, waxase boolisku ay wadaan baaritaanno ku aaddan dilka Sharma’arke iyo dhalin yaro kale, iyadoo tan iyo horraantii bishii January ee sanadkan lagu dilay dalka Kanada 12 dhalinyaro oo 3 ka mid ah ay Soomaali ahaayeen.

Halkaan ka dhageyso wareysi lala yeeshay Wariye Xuseen Nuur Xaaji, oo deggan Toronto, Kanada, islamarkaasina shalay ka qeyb galay aaskii loo sameeyay Sharma’arke, waxana uu weydiyay waxay yihiin dilalkan soo laalabanaya iyo walaaca ay Soomaalida qabto?