DHAGEYSO+SAWIRRO: Dibadbax Looga Soo Horjeedo Xasuuqa Shacabka Gedo Ee Ciidamada Kenya Oo Maanta Ka Dhacay Magaalada London Ee Dalka Ingiriiska.

0

Qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaalida ee London ayaa maanta dibadbax ka hordhigay safaaradda Kenya ee magaalada London ee dalka Britain.

Dadka isugu soo baxay dibadbaxa oo gaaraya illaa 250 ayaa waxa ay dowladda Kenya ku eedeynayaan inay ciidamadadeeda duqeymo iyo barakacin ka wadaan deegaano ka tirsan gobolka Gedo.

Dadkan ayaa sita boorar ay ku qoran yihiin “Kenya ha ka baxdo Soomaaliya, “Kenya Soomaaliya uma joogto nabad ee dagaal ayay u joogtaa”, iyo erayo kale.

 

 

 

 

Hoos Ka Dhageyso

saw saw1 saw2 saw3 saw4 saw5 saw6 saw7 saw8 saw9 saw10 saw11 saw13 saw14

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media