DHAGEYSO TOOS JOWHAR:- Dad badan oo la xirxiray+Xaalada magaalada Jowhar oo kacsan iyo dad la tuhmay oo loo qabtay qarax qasaare geystay

0

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo kala duwan waxey ka sameeyeen Xaafadaha kala duwan ee Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Sh.Dhexe kadib markii Magaalada uu ka dhacay Qarax khasaaro geystay.

Taliye ku xigeenka Saldhiga Booliska Degmada Jowhar ee Gobolka Sh.Dhexe, Geelle Isaaq Warsame ayaa sheegay in Ciidamada Booliska ay soo qabteen labo Ruux oo lagu tuhmayo ka dambeynta Qarax lagu weeraray Ciidamada Dowladda ee halkaasi ku sugan.

Labadan Ruux ee la qabtay ayaa haatan su’aalo kala duwan waxaa lagu weydiinayaa Saldhiga Booliska ee Degmada Jowhar ee Xarunta Gobolka Sh.Dhexe.

Xariga labadan Ruux ayaa waxuu imaanayaa maalin kadib markii labo Askari ay ku dhaawacmeen Qarax bambaano lagu weeraray Fariisin ay Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin Xaafada Baryar oo ku yaala Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Sh.Dhexe.

Halkaan ka dhageyso