DHAGEYSO:- Wafdi ka socda QM oo gaaray Garoowe iyo C/weli Gaas oo ka warbixiyay

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali “Gaas” ayaa Maanta Magaalada Garoowe ku soo dhaweeyay Wafdi ka socday Beesha Caalamka oo uu ka mdi ayahay Wakiilka Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating.

Wafdiga ayaa sidoo kale waxaa  ka mid ahaa Danjirayaasha IGAD, Talyaaniga, Midowga Yurub, Ingiriiska, Maraykanka iyo Itoobiya Waxayna Maamulka Puntland kala hadleen Arrimo badan.

Masuuliyiintaasi ayaa Magaalada Garoowe u tagay xalinta Cabashada maamulka Puntland ee ah go’aankii ka soo baxay shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee ahaa in wax lagu qeybsado nidaamka 4.5.

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo Warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay Wafdiga soo gaaray Garoowe iyo sida ay u arkaan shacabka Puntland imaashiyahooda.

Wafdiga uu hogaaminayo Wakiilka Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa Magaalada Garoowe ku sugnaan doono muddo 3 maalmood ah, waxaana inta ay ku sugan yihiin Puntland ay kulamo gaar gaar ah la qaadanaya shacabka iyo Madaxda Puntland.