DHAGEYSO WAR DEG DEG:- Wada-hadalkii Puntland iyo Beesha Caalamka oo la sheegay inuu Fashil ku yimid

0

Waxaa Labadii Maalin ee la soo dhaafay Magaalada Garoowe ka soconayay Shir u dhexeeya Xubno ka tirsan Beesha Caalamka iyo Madaxda Maamulka Putland.

Ergayga Gaarkaa ee QM u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Micheal Kitting ayaa Garoowe kula kulmay Madaxda Puntland,Isimada,Odayaasha Dhaqanka,Haweenka,Dhalinyarada iyo sidoo kale Culimadda Puntland waxaana uu kala hadlayay sidii Puntland ay u Aqbali laheyd Go’aankii ka soo baxay Shirkii Madasha ee Muqdisho lagu gaaray Puntlandna ay horay uga hortimid.

Dhinacyada uu la kulmay Wakiilka QM Ee Arrimaha Soomaaliya ayaa u sheegay in ay ka soo horjeedaan Go’aankii ahaa in Aqalka Hoose ee Baarlamaanka lagu soo xulo Nidaamka 4.5.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Wafdiga Beesha Caalamka ay maanta soo laaban doonaan,iyagoo aan wax Natiijo ah ka keenin wada-hadalkii Puntland ay la galeen.

Halkaan ka dhageyso