DHAGEYSO WAREYSI:- Boqor Faarax Cabdi guure oo nasiib daro ku tilmaamay in Soomaaliya ay mar kale wax ku qeybsadaan

0

Boqor Faarax Cabdi guure oo ka mid ah Salaadiinta Soomaaliyeed ayaa nasiib daro ku tilmaamay in lagu heshiiyo in mar kale wax lagu qeybsado Nidaamka 4.5 isla markaana ay Madaxda Dowlada ay isku raacaan oo ay ogolaadaan.

Waxa uu sheegay in nidaamkaasi ay Soomaaliya ku soo daashay, ayna wanaagsaneynd in iminka laga gudbo nidaamkaasi.

Boqor Faarax Cabdi guure ayaa si kulul u Weeraray Madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliya oo uu ku tilmaamay in aysan ahayn kuwa ka naxaya Shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu tilmaamay in ay ka xun yihiin hadii ay yihiin Salaadiinta Soomaaliyeed in aan laga qeyb gelin talada Dalka iyo halka go’aanka ay Soomaaliya leedahay lagu gaarayo.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga:-