DHAGEYSO WAREYSI:- Gudoomiyaha gobolka shabeelaha Hoose oo ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyay Magaalada Marko

0

Ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ayaa saaka mar kale la wareegay gacan ku heynta magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.

Magaalada ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay gacanta ku hayay maleeshiyada ururka Al-Shabaab, kadib markii ay isaga baxeen ciidamadii dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugnaa halkaas.

Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose, Ibraahim Aadan Cali, ayaa VOA-da u sheegay in wax dagaal ah uusan magaalada ka dhicin, oo maleeshiyada Al-Shabaab ay ka baxeen intii ciidamada dowladda ay kusoo wajahnaayeen magaalada.

Maleeshiyada Al-Shabaab ee ka baxay magaalada Marka ayaa lagu warramay in u dhaqaaqeen dhinaca Janaale iyo Jilib Marka.

Xaaladda magaalada ayaa iminka degan.

Halkaan ka dhageyso