DHAGEYSO WAREYSI:- Xildhibaan Aabi oo sharaxaya Qaabka ugu Wanaagsan ee loola Xisaabtami karo Madaxda Dowlada

0

Xildhibaan Axmed Aabi Aadan ayaa ka hadlay sida ugu wanaagsan ee loola Xisaabtami karo Madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo sida loogu hortagi karo.

Xildhibaan ayaa sheegay in ay wanaagsan tahay in Madaxda Dowlada ay iska ilaaliyaan masuq maasuqa iyo in aysan si sharci daro ah ugu shaqeystaan lacagaha dowlada.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in la tira koobo Hantida ay heystaan Madaxda Dowlada iyo inta ay xaqa u leeyihiin.

Waxa uu xusay in isla xisaabtanku uu yahay mid muhiim ah isla markaana laga doonayo Madaxda Dowlada ay u hogaansamaan Barnaamijka isla xisaabtanka.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga:-