DHAGEYSO:- Wasiir Khadra Bashiir oo ka hadashay Eedeymo loo jeediyay Wasaarada Waxbarashada

0

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sare ee Dowlada Federaalka Soomaaliya khadra Bashiir Cali ayaa ka hadashay eedeymaha loo jeedinayo Wasaarada ee la xiriiro in si aan cadaalad ahayn loo qeybiyo deeqaha Waxbarasho.

Waxay sidoo kale tilmaantay in ay ku dadaalaan mar walbo iney si siman u bixiyaan deeqaha waxbarasha isla markaana ay si cadaalad ah ugu qeybiyaan Ardayda Soomaaliyeed.

khadra Bashiir Cali Wasiirka Waxbarashada ayaa sidoo kale sheegtay in ay si siman ugu qeybiyaan Ardayda ku nool Gobolka Banaadir iyo dhamaan gobolada Dalka.

Waxay xustay in ay muhiim tahay in Wasaarada lagu dhiira geliyo howsha adag oo ay heyso balse aan lagu eedeyn sida ay tilmaantay waxyaabaha been abuurka ah.

Hoos ka Dhageyso Codka:-