DHAGEYSO:- Wasiirka Arimaha gudaha Soomaaliya oo sheegay in dowlada ay abuurayso fursadaha dhaqaale ee la heli karo

0

Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay sameynayso fursado shaqo abuur oo dhaqaalo lagu helayo.

Wasiirka ayaa ugu baaqay maamul goboleedyada dalka ka jiro iney dhankooda abuuraan fursad kasta oo dhaqaalo loogu abuuri karo ummada Soomaaliyeed gaar ahaan ganacsada, sida uu sheegay wasiirka.

Maalgashi lagu sameeyo dekadaha dalka Soomaaliya ayuu sidoo kale sheegay iney tahay fursad dhaqaalo abuur oo ay ka faa’ideysanayaan ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed.

Jaaliyadaha Soomaaliyeed, maamul goboleedyada, dowlada Soomaaaliya iyo ganacsatada ayuu tilmaamay iney u taalo shaqo dhaqaalo abuur lagu sameynayo taasi oo faa’iido badan keeni doonta.

Hadalkaan ayuu wasiirka ka jeediyay dhagax dhiga dekada degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Halkaan ka dhageyso Codka