DHAGEYSO:- Wiil Soomaaliyeed oo maxkamad lagu soo taagay dalka Mareykanka

0

Mid ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Mareykanka ayaa qiray inuu waday qorshe uu ugu biiriyo kooxda Daacish, kadib markii maxkamad lasoo taagay wiilka Soomaaliyeed.

Wiilka Dhalinyarada ah oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Maxamed Warsame ayaa maxkamadda lasoo taagay ka qirtay inuu waday qorshaha uu ugu biirayo kooxda daacish, isaga iyo saaxiibadii.

Cabdirizaaq ayaa maxkamadda federaalka Mareykanka ah ka hor sheegay in kooxda Daacish uu ka bartay muuqaalo lasoo dhigay barta Youtube-ka iyo khudbado uu jeediyey Anwar Al-Awlaki oo ahaa Mareykan hoggaamin jiray Al-Qacidada Yemen oo la dilay.

Waxa uu ku warramay inuu ogaa in kooxda Daacish ay fuliso dilal, balse uu dareemay in waajib uu ka saaran yahay inuu difaaco muslimiinta oo uu dareemay inay dhibban yihiin.

Dhalinyaro badan oo Somaali ah ayaa u xiran arimo la xiriiro iney doonayeen ku biiritaanka Daacish iyo Alshabaab, halka qaarkoodna loo xiray iney dhaqaalo ku taageereen Alshabaab ka dagaalama Soomaaliya

Hoos ka Dhageyso Codka:-