DHAGEYSO:- Xasan Sheekh oo Baarlamaanka ka codsaday iney Ansixiyaan Sharciga la dagaalanka Argagixisada

0

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Maanta Khudbad ka hor jeediyay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Waxa uu ka hadlay Xaalada Siyaasadeed ee Dalka iyo guud ahaan Amniga.

Madaxweynaha ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka ka codsaday iney ansixiyaan Sharciga la dagaalanka Argagixisada maadaama sida uu sheegay in ahmiyad weyn uu u leeyahay Sharcigaan Dalka Soomaaliya.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Arrimo badan ay ugu xayiran yihiin Sharcigaan isla markaana ay Baarlamaanka ;aga donayo in ay ansixiyaan.

Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya la horkeynayo qodobadii ka soo baxay Shirkii Madasha Wada tashiga.

Waxa uu sidoo kale sheegay in in wax aysan ogeyn Baarlamaanka aan lagu shaqeyn Karin isla markaana uusan raali ka noqon doonin.

Hoos ka Dhageyso Codka:-