DHAGEYSO:- Xildhibaano sheegay iney dhib weyn ku qabaan Baaritaaanka Garoonka diyaaradaha Muqdisho

0

Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa culees ka muujiyay nidaamka baaritaanka garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa labo maalin ka hor talo ahaan usoo jeediyay in xildhibaanada iyo madaxda dalka qeyb ka noqdaan xubnaha ogolaanaya in baaritaanada garoonka diyaaradaha ee shacabka la marsiiyo maraan.

Xildhibaan Maxamed Yuusuf oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyay in xildhibaanada si adag loogu baaro garoonka diyaaradaha, taasina ay ka hor imaaneyso xasaanada uu leeyahay xildhibaanka, sida uu hadalka u dhigay.

“Maalin dhaweyd garoonkaan kasoo dagay ma mareysid VIP ee halkaan ka bax ayaa leygu yiri, waxay haddana mareysaa in xildhibaanka kabaha, suunka iyo waxa uu watto uu tuuro, marka waa wax ka hor immaanaya qaranimada Soomaaliya”.

“VIP-da Madaxweynaha, ra’iisu wasaaraha iyo gudoomiyaha baarlamaanka ayay u xiran tahay amar ayaana lagu bixiyay, xildhibaanada baxayana dhibaato badan ayaa lagu kordhiyay oo amaanka ayaa la sugayaa baa la yiri”ayuu yiri xildhibaan Maxamed Yuusuf.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, oo dhawaan xildhibaanada hortagay ayaa soo jeediyay in xildhibaanada baarlamaanka iyo masuuliyiinta dalka ay ogolaadaan baaritaanada amaanka garoonka diyaaradaha, si looga hortago qataraha dhanka amaanka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-