DHAGEYSO:- Xukuumada Somaaliya oo sheegtay iney meel wanaagsan mareyso baaritaankii diyaaradii Daallo Airlines

0

Isniintii la soo dhaafay ayey aheyd markii Diyaaradd ay leedahay Shirkadda Daallo Arline oo ka Duushay Garoonka Aadan Cadde uu qabsaday Shil aan wali la cadeyn waxa uu yahay,waxaana Shilkaasi ku dhintay Hal Qof,iyadoo Labo kalena ay ku dhaawacmeen.

Dowladda Federaalkaa Soomaaliya ayaa sheegtay in ay wado baaritaano lagu Ogaanayo  waxa Sababay Shilkaasi iyo waxa uu yahay intaba.

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukumadda Soomaaliya Maxamed Isxaaq ayaa sheegay in Baaritaankaasi uu marayo meel gabo-gabo ah islamarkaana la shaacin doono waxii ka soo baxa baaritaanka.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay Aaminsan tahay in Shilka Diyaaradda Daallo uu yahay Bam ka dhex dhacay Diyaaradda Gudaheeda,waxaana ay ku Tuhunsan tahay Falkaasi Al-shabaab.

Hoos ka Dhageyso Codka:-