DHAGEYSO:- Xukuumada Soomaaliya oo sheegay in ay ku dadaaleyso dhex dhexaadinta Maamulada Galmudug iyo Ahlu Sunna

0

Wasiirka arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya ayaa Ahlu sunna ugu baaqay iney nabbada ka qeyb qaadato.

Wasiirka wasaarada arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa oo isagoo ku sugan degmada Hobyo warbaahinta kula hadlay ayaa ugu baaqay Ahlu sunna iney wadahadal la gasho maamulka Galmudug.

Wasiirka ayaa sheegay in xiligan aysan wanaagsaneyn in hub iyo dagaalo kale lagu sii dhex hayo shacabka Soomaaliyeed oo muddo badan kasoo daalay dagaaladii sukeeye ee ka dhacay dalka Soomaaliya.

Maamulka Ahlu sunna ee gobollada Dhexe ayuu sheegay in looga baahan yahay ogolaanshaha wadahadal ay la galaan maamulka Galmudug ee ka dhisan gobolka Galgaduud iyo Mudug.

“Kooxda Joogta Dhuusomareeb, waxaan u sheegeynaa iney yihiin reer Galmudug, waxay u baahan yihiin miiska wadahadalka ayay ku qaadanayaan, waxaan u sheegayaa waa laga soo gudbay xiligii qoriga la iskugu faanayay, marka miiska wadahadalka ha yimaadaan”ayuu yiri wasiir Odowaa.

“Haddii ay wax tabanayaan madaxweynaha Galmudug wuu joogaa, yaan Ummada dib u dhac kale loo keenin, halaga fakaro dagaalo kale oo ka dhaco dalka”ayuu markale yiri Odowaa.

Ahlu sunna ayaa marar badan sheegtay ineysan wadahadal la galeynin maamulka Galmudug, laakiin diyaar ay u yihiin iney la fariistaan dowlada Soomaaliya.

Hoos ka Dhageyso Codka:-