Mareykanka oo qirtay in laga xaday macluumaad badan, lana jebiyay qasnado muhiim ah

0

Dawladda Maraykanka ayaa qiratay in loo dhacay macluumaadka waaxda cadaaladda iyo wasaaradda amniga gudaha laakiin waxay yareeyeen baaxadda dhibaatadaasi.

Qof ama koox kuwa kumbiyuutarada u dhaca ah ayaa barta Twitter-ka ku daabacay wax ay ku tilmaameen macluumaadka 9,000 oo qof oo u shaqeeya wasaaradda amniga gudaha.

Sida laga soo xigtay barta daabacda wararka Tiknoolajiyadda ee Motherboard cidda macluumaadkaadi jabsatay ayaa sheegtay in ay sida ugu dhakhso badan dadka ula wadaagidoonaan xogta 20,000 ka mid ah shaqaalaha waaxda cadaaladda kuwaas oo ay ku jiraan shaqaalaha laanta sirdoonka ee FBI.

Bartaasi wararka ayaa sheegtay in ay xaqiijisay saxnimada qayb yar oo ka mid ah macluumaadkaasi, balse sidoo kale waxay sheegeen in qaar ka mid ah macluumaadkaasi uu khalad yahay amaba ay macquultahay in wakhtigooda la soo dhaafay.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda amniga gudaha ayaa saxafiyiinta loogu sheegay in warbixintan si dhab ah loo qaadan doono, balse warbixintan aysan ku jirin macluumaad aad muhiim u ah amaba xog lagu aqoonsankaro shaqsi.

Sidoo kale waaxda cadaaladda ayaa wax yarku tilmaamay xogtaasi laga xaday.

Cidda macluumaadka xadday ayaa la rumaysanyahay in ay mareen hab sahlan.

Xigasho BBC

jjj