DHAGEYSO:- Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo ka wada hadlay hormarinta Dalxiiska iyo duur joogta

0

Waxaa Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ku wada kulmay Wasiiru dowlaha Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya iyo Wasiirka Dalxiiska Dowlada Kenya.

Labada masuul ayaa waxay ka wada hadleen arrimo la xiriiro dalxiiska iyo duur joogta iyo sidoo kale xiriirka labada Dowladood.

Wasiiru dowlaha wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamuud Cabdi Xasan oo kulanka ka dib la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay ku dadalaayaan hormarinta dalxiiska.

Waxa uu tilmaamay in Dowlada Kenya ay u balan qaaday Dowlada Soomaaliya iney sii xoojiso taageerida iyo hormarinta Dalxiiska.

Kulanka labada masuul ay wada qaateen ayaa waxaa goob joog ka ahaa Masuuliyiin ka kala socday Safaaradaha Soomaaliya iyo Kenya.

Hoos ka Dhageyso Codka:-