Duqa Magaalada Muqdisho Oo Kafaala Qaaday Baxnaano Caafimaad Oo Loo Sameynayo Hooyo Soomaaliyeed

0

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale Oo Maanta Cusbitaalka ku booqday Hooyo Soomaaliyeed Oo Uur leh Misna La Xanuunsaneysa Nabar Weyn Oo Caloosha uga soo baxay ayaa Ballan qaaday in Gobalka Banaadir uu dusha Saaranayo Baxnaanada Caafimaad Ee Ku Baxeysa Hooyadaasi.

“Tv-ga Qaranka ayaan ka Daawaday Hooyadan oo ku sugneyd Magaalada Jowhar Nabar Caloosha uga soo baxay ayaa ku weynaaday,waxaa la arkayaa Ilamaha yar ee Caloosheeda ku jira,mar waliba oo ay dhaqaaqaan weyd suuxdaa waan ka damqday xanuunka ayaan la qeybsanayaa wax alla iyo wixii ku baxaya haddii xitaa Dalka aan waxba looga qaban karin waxan hortiina ku balanqaadayaa in aan bixino”sidaasi waxaa yiri Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho.

intaasi kadib Guddoomiyaha Gobalka Ayaa Booqasho ku tagay Cisbitaalka lagu Dabiibayo halkaasi oo uu kula kulmay Ehelka Haweeneydaasi iyo dhaqaatiirta gacanta ku heysa Xaaladdeeda Caafimaad wuxuuna sheegay in gobalka banaadir uu garab taaganyahay.