Faah faahino ka soo baxaya dil ka dhacay Afgooye iyo Maamulka Degmada oo ka hadlay

0

Guddoomiye ku xigeenka Amniga ee maamulka Degmada Afgooye Yuusuf Maxamed Moordoow ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in xalay Nin tooreey ku hubeysan uu Afgooye ku dilay Gabar lagu magacaabi jiray Farxiyo Xasan.

Guddoomiye ku xigeenka waxaa uu sheegay in maamulka ay wadaan howlgal lagu soo  qabanayo Ninka dilkaasi geystay .

Waxaa uu sheegay in Ninka dilka geystay lagu magacaabo Siiddii ayna Ciidanka ku daba jiraan.

Sababta uu Ninkaasi u dilay gabadha ayuu ku sheegay Guddoomiye moordoow in ay murmeen ka hor inta uusan ku dhufan Toorreyda, taas oo ay u geeriyootay Gabadhii.

Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Gobolka Sh/Hoose ayaa baaritaano adag ka wada xaafadaha Degmada Afgooye si ay gacanta ugu soo dhigaan ninkaasi dilka geystay.