FBI Mareykanka oo Muqdisho u timid Baaritaanka Qaraxii Diyaarada Daallo Airlines

0

Koox yar oo saraakiisha FBI-da Mareykkanka  ayaa soo gaaray Muqdisho si ay saraakiisha dowladda Somalia uga saacidan baritaanka lagu haayo qaraxii ka dhacay gudaha diyaarada Dallo maalinta Talaada ahayd oo hal qof uu ku dhintay laba kalana ay ku dhaawacmeen.

Saraakiisha dhinaca duulimaadka Somaaliya ayaa sheegay in Khuburadaasi Mareykanka ay dalka u yimaadeen in la ogaado waxa dhabta ah ee qaraxaasi uu ahaa.

Agasimah duulimadyada Rayidka Somalia Cabdi Waxiid Cumar ayaa shaaca ka qaaday in Somali ay Mareykanka ka dalbatay in laga saacido baaritaanka ay wadaan.

Waxa uu mas’uulkaan wareysi siiyay NBCnews waxa uu yiri “waxaan doonaynaa in baaritaan dhab ah la sameeyo si loo qanciyo ciidamada amaanka,shacabka iyo dhamaan dadka ay quseeyso wixii dhacay”

Cabdiwaxid ayaa sheegay in FBI lagu casuumay baaritaanka hadda socda.

baaritaanka soconaya sidoo kale waxaa ka qeyb qaadanaya saraakiil ka socda Somali ah oo kusoo tababartay dalka Britten.

Saraakiil ka socda dowladda Gariiga ayaa kamid ah kuwa baaritaanka gacanta kula jira.