Gaas iyo faalka Michael Keating! W/Q Cali Cilmi Soomow

0

Annagu shacab baan nahay, dalka annagaa iska leh, waxa danahooda lagu ciyaaraayo annaga waaye, waan ka xumahay jileeca intaas la eg, maxaa Oday dhaqameed loogu yeeraa, maxaa Bulsho rayad ah loogu yeeraa, shicibkii dalkaa hadlay, reer Puntland afkooday furteen, warkooda waa cadyahay 4.5 Xasan sheikh Maxamud naguma khasbi karo, shaqadii loo dirsaday wuxuu ku dhameeyay maalinba beel inuu ku duulo ama uu beel ku diro beel kaleento, aaway dowladnimadii aan ka sugaynay, Cabdi wali Gaas wali ma Xasan Shiik maxamuud baa dhadhamo ugu hartay, Xasan xumaanta uu reer Puntland u qabo iyo nacaybka uu u hayo naar xataa waa u galayaa, muxuuse kaga qaadayaa, hortii jiraa ku daalay usaguna dan baa reebi doonta, la yaabna ma laha, oo annagu waan iska naqaan waxayna noqotay nasiibkeen dadka intaan wax tarno inay innagu colaadiyaan, laakiin Gaas intaas buu garan la,ayahay oo taariikhda maba fiirin.

Qolyahaan didaya, waa iska faalalooyaal, oo labo wax yaabood baa isu qabtay oo faalkooda u sheegay, waa marka Cumareey cabdirashiid in raysal wasaare ah ah inuu Puntland ka soo jeedo laguna fulin karo wax badan oo puntland laga rabo, calaacasha Gaas markay akhriyeenna waxaa uga muuqday waxoogaa yar oo rajo ah iyo in laga dhaadhicin karo 4.5, iyo tan labaad oo ah in Xasan Shiikh maxamuud haddii uu sii ahaado madaxweyne wax badan laga saxiixan karo, sidaas daraadeed ma quusanaayaan, laakiin faalkooda iyo sixirkooda intaba waxaa ka weyn Aadaanka Missajidada Garowe ka yeeraya.

Gaas, indhaha ha lagu hayo, Foox ha loo geliyo, nimankii bariga deggenaa ee la laha dadkay wax ka uumiyaan ha loogu yeero, isagoo aan markii horaba karti lahayn bay soo sixreen Xasan iyo kuwaan didaya, waxay siiyeen weynaa, dalkii oo dhan buu iska hilmaamay wuxuu ku waashay : nin kasta waa tanaasulayaa, ninna heli mayo 100% wixii uu rabay, Xasan Shikh muxuu dhahaayaa ma taqaan: sidaan aan dan moodnay, yaa is tiriyay, waxaan loo joogin buu ka hadlayaa, Gaasna kama maqlaysid war ama ha la is tiriyo ama yaan la is tiring deegaan kasta ninkii joogay baa laga soo soranayaa adigana deegaankaagii tag oo iimaanso, war Gaas marna talada dalka yaan looga harin, hana hilmaamina isagoo og dadka waxy rabaan buu ku hawl geli waayay oo dhihi waayay waxaas horaan u sheegnay waana diidnay.

Xil dhibaanada Puntland wixii manta Soomaaliya ku dhaca adinkaa ku dhigay, banooniga hoostiinaa la soo dhigay, saancadoolayaasha iyo saaxiriinta la socda yeysan idin indho sarcaadin, waa been taaygooda weyn, waa qaaimiin, qalbi farxa ma laha qosolkoodana ma gaaro qalbigooda ha rumaysanina, calooshay ka qoslaan ama ka ooyaan, dagaalka 4.5 waxba kama duwana dagaal Soomaaliya oo dhan lagu xoreynaayo, meel kasta waxay leedahay yaa Joogay, manta Gaas ku ceeboobi maayo, guud ahaan shicibka Soomaaliyeed ee qawlaysatada Xasan Shiikh maxamuud iyo Cusmaan Jawaari hor kacayaan ay beenta u sheegeen ee isku direen badbaadiya oo si cad diidnay u dhaha, ama sidii dugsileydii ulihii laydinku garaaci lahaa adinka keensada oo yeeyda soo didday dalkii siiya.

Gaas puntland oo dhan baad haysataa iimaanka isku sug, hadaba yaa kula xisaabtama, askartii iyo shaqaalihii adigoon mushaar siin baad maalin kasta ku haysaa lacag baan siiyay, yaa kaa daba hadla, lacago aad adigu leedahay baad soo daabacatay oo been abuur ah, yaa kugu qabsaday, gobanimo shicibka puntland baa leh, laakiin dalkeena Soomaaliya wax la’aan kuma haysee ha gadin, dhib kasta oo dhaca shicibka puntland baa kula qaba, abaaraheena Rabbi Ilaahay baan u leenahay, Rag baan u nahay, waligeen waa ina soo mari jireen waana ka doogi jirnay baaqa cabashada ah kala noqo beesha caalamka, ma galeey dameerahoodii cuni waayeen iyo daawa dhacday oo laga gadan waayay waxaan ahayn bay ku siinayaa, ha ogaata beesha caalamka waxba kama rabno, cabashadeenii waa la noqonay.

Shirka Garowe ka furmay Soomaali oo dhan baa indhaha ku haysa, aadna ugu han weyn, waa tiirka keliya ee maanta laga rajaynayo in laga unko qaran saoomaaliyeed mar kale, waa nala qasbay yeeli mayno, nimanka idinla joogaa waa marti sharci daro ku soo gashay Soomaaliya martina waa la maamulaa ee wax ma qasabto, bal haday cirka soo dumiyaan aan ogaanee adinku dulli Soomaaliya ha u horseedina, wax xun iyo magac daro ha hor leh ha u keenina, adiguna Gaasow, war hooooy Gaasow, manta boorka iska jaf oo nimanku waa asaaggaa ee yeysan ku lagdan.

Soomaaliya Ha Noolaato! Puntland Ha Noolaato!

Wa-Bilaahi Towfiiq.

Cali Cilmi Soomow