Ganacsade Soomaali ah oo lagu dilay dalka South Africa

0

Ganacsade Soomaali ah ayaa lagu dilay dalka South Africa Saddex kalana waa lagu dhaawacay kaddib markii kooxo hubeysan ay ku weerareen goobo ganacsi oo ay ku lahaayeen deegaanka Brits ee dalkaasi.

Sergeant Kelebogile Moleko oo ah sarkaal ka tirsan booliiska Brits ayaa sheegtay in afarta nin ee waxyeelladu gaartay ay soo weerareen shan nin oo kale oo Soomaali ah, kaddibna ay rasaas ku fureen.

Waxay sheegtay in kuwa falka geystay oo watay gaari aanan laheyn nambarka taargada ay baxsadeen, mana sheegin cid ilaa hadda loo soo qabtay falkaasi.

Dhibanayaasha la soo weeraray ayaa markiiba la geeyay, halkaasoo uu mid kamid ah ku dhintay.

Dalka Koonfur Afrika ayaa sanadihii ugu dambeeyay lagu dilay muwaadiniin farabadan oo Soomaali ah oo halkaasi ku lahaa goobo ganacsi, waxaana la sheegaa iney falalkaasi ka dambeeyeen burcad South African ah.