LA KULAN:- Ninka Dhiiggiisa Ku badbaadiyay Nolosha 2–Malyuun oo Carruur ah..

0

Oogada muuqeeda, James Harrison waa qof iska meel-dhaxaad ah. Wuxuu jecel yahay gabadhiisa, caruurta uu awoowga u yahay iyo inuu ku arah-socdo hareeraha gurigiisa oo ku yaalla xeebta dhexe ee Australia. Hayeeshe, waa waxa ku hoos-jira oogadiisa waxa ka dhigay qof qeyrul-caadi ah – gaar ahaan, waxa ku aroora halbowlayaashiisa.

Loo yaqaan “Ninka leh Gacan Dahab” ku dhawaad toddobaad kasta lixdankii sano ee ugu danbeeyey wuxuu gacantiisa midig kaga deeqay dhiigga Plasma. Sababta sheekadiisa waxaa dib loogu celin karaa wadiiqo adag oo daweyntiisa ku saabsan xilli uu caruur ahaa.

“Sanadkii 1951, waxaan maray qalliin xabadka ah halkaas oo sanbabada layga sameeyey – waxaana jiray 14-sano,” ayuu dib-u-sharaxay Harrison kaas oo hadda 78 jir ah.

“Markii aan kasoo baxay qalliinka ama maalmo dhowr ah kadib, aabahay wuxuu ii sharaxay siday wax ku dhaceen. Wuxuu yiri: ‘Waxaad heshay 13 cutub (litir) oo dhiig ah,’ noloshaydana waxaa badbaadiyay dad aan aqoonin. Isaga laftiisa wuxuu ahaa dhiig-deeqe. Marka waxaan iri markaan anigana weynaado, waxaan noqon doonaa dhiig-deeqe ama dhiig-bixiye.”

-Dhibaatooyin dhimasho-

Wax yar kadib markii Harrison uu noqday dhiig-bixiye, dhaqaatiirtu way u yeeraan jireen. Dhiiggiisa, siday ku sheegeen, wuxuu jawaab u noqday dhibaatooyin badan oo dhimasho ku sigtay.

“Australia, goor iyo 1967-kii, waxaa jiray kumaakun oo dhallaan ah oo sanad kasta dhinta. Dhaqaatiirtu maanay ogeyn sababta, waxayna aheyd mid xun,” ayuu sharaxayaa Jemma Falkenmire oo kamid ah waaxda dhiigga ee Bisha Cas ee Australia. “Haweenku waxay helayeen dhicisyo dhowr ah, ilmahana waxay lagu dhali jiray dhaawac maskaxeed.”

Tani waxay aheyd natiijada cudurka rhesus – oo ah xaalad dhiigga haweeneyda uurka leh uu bilaabo inuu weeraro unugyada ilmaha uurka-jiifa. Kiisaska ugu daran waxay ku dhalan kartaa wax-yeello maskaxeed ama dhimasho caruurta soo gaarta.

Harrison waxaa lasoo ogaaday inuu leeyahay jir-lid “anti-body” aan caadi aheyn oo dhiiggiisa ku jira—sanadkii 1960-kii, wuxuu la shaqeeyey dhaqaatiirta say u isticmaalaan jirlidyada si loo horumariyo tallaal lagu magacaabo Anti-D. Waxay haweenka kaga hortagtaa dhiig rhesus-taban ah inuu ku horumaro RhD jirlidyada xilliga xaamilanimada.

“Australia waa mid kamid ah dalalka ugu horreeya ee soo saara dhiig-bixiye leh jir-lid. Sidaas darteed waxay si huban u noqotay kacdoon waqtiyeysan,” ayuu yiri Falkenmire.

Dhiigga Harrison waa qaali. Isaga iyo nuuca Anti-D waxaa loo madleeyey badbaadinta nolosha wax ka badan 2-malyuun oo dhallaan ah, marka loo eego waaxda dhiigga ee Bisha Cas ee Australia. Labada malyuun ee noolayaasha ah waxaa lagu badbaadiyay dhiigga hal nin oo kaliya.

“Dhiig kasta oo lagu deeqo waa qaali. Hayeeshe, midka Harrison waa qeyrul-caadi,” ayuu yiri Falkenmire. “Dhiiggiisa waxaa dhab ahaan loo adeegsadaa nolol-samata-bixiye—kaas oo la siiyo hooyooyinka dhiiggoodu uu halis ku yahay nolosha ilmaha calooshooda ku jira. Dhbic kasta oo Anti-D lagu sameeyo Australia waxay ka timid dhiigga James.

“Wax ka badan 17% haweenka Australia ayaa halista taagan, marka James wuxuu naga caawiyay badbaadada noolayaal badan.”

Mid kamid ah dhallaanada ku badbaaday dhiigga James waa dhalka Samuel kaas oo hadda  shan toddobaad jir ah. Hooyadiisa, Kristy Pastor, waxay markii koobaad heshay tallaalka Anti-D intay ku jirtay uurkeeda labaad. Sababta jirlid ee dhiigga Harrison, Samuel waxaa u dhashay dhalkii afaraad oo caafimaad qaba.

“Waxay hadda yiraahdeen waxaad u baahneyd tallaal,” ayay tiri. “Wax sii dheer kama sii fakiri jirin kadibna kolkii aan usii kuur-galay, waxaan soo helay James iyo sida cajiibka leh ee uu yahay iyo inta deeq ee uu sameeyey –taasi waxay aheyd sababtiisa oo idil.”

“Aad ban galad ugu celiyey waxayna ila tahay in James uu naftiisa u hurayo inuu deeqdiisa sii wado sidaas darteed waynu sii heysan karnaa tallaalka.”

W/Q:- Zakariya Hassan “Hiraal.”