LIVE:- Maamulka Degmada Afgooye oo ka hadlay Farxiyo oo xalay Mindi lagu dilay iyo Dilaa Siidii oo lagu daba jiro

0

Guddoomiye ku xigeenka Amniga Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose Yuusuf Max’ed Moordoow ayaa u xaqijiyay Idaacadda Mustaqbal in Xalay Degmadaasi kooxo Middiyo ku hubeysnaa ay dileen Gabar lagu magacaabayay Farxiya.

Guddoomiye ku xigeenka waxaa uu sheegay in maamulka ay wadaan howlgal lagu soo qabanayo Ninka dilkaasi geystay .

Waxaa uu sheegay in Ninka dilka geystay lagu magacaabo Siiddii ayna Ciidanka ku daba jiraan.
Sababta uu Ninkaasi u dilay gabadha ayuu ku sheegay Guddoomiye moordoow in ay murmeen ka hor inta uusan ku dhufan Toorreyda,taas oo ay u geeriyootay Gabadhii.

Amaanka guud ee Magaalada ayuu sheegay in uu sugan yahay,howlgal joogta ahna ay sameeyaan Ciidamada Dowladda ee jooga Afgooye iyo kuwa AMISOM ee deggan magaalada.