MAQAAL:- Keating, Garooowe, 4,5 waxna

0

Ergeyga QM u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating waxuu gaaray Garoowe, waxuu ahaa socdaal ay dadka deegaanka sugayeen, guntiisuna tahay wada xaajood dhex mara beesha caalmka & Maamulka Puntland, kaa oo ku saabsan buuqa ka dhashay qaabka doorashada sanadka 2016 ee 4.5 loo dhigay, laakiin Mr Keating sidaa uma iman, mana wadan.

Keating waxuu xiray dooddi 4.5 oo horay looga gudbay, waxuuna fursadda deeganka Puntland u banaan ka dhigay doorashada xigta ee 2020, taa oo ah qaab loolan siyaasadeed laga yaqaan dalka uu ku soo koray, qofki ama Xisbigii laga cod badnaada, oo haddana sharciga uu garab siin, in uu sugto fursadda kale ee xigta, laakiin taa macno uma ahan geerida ama aaska codka diidmo ee Deegaanka Puntland. waxaa jira cumri uu codkaa ku sii noolaan karo, waliba tacab la goostana ku noqon karo, laaakiiin aaan khuseyn Doorashada 2016 ama midda 2020, sida in Maamulka Puntland uu soo gudbisto shuruudo wax loogu qabanayo deeganka, si dadkiisa loogu qanciyo in ay u tanaasulaan danta guud ee Soomaali weyn, waana hubaal ah in Keatteng uu arintaa sugayay, laakiin ma dhicin !!!!!

Odayaasha dhaqanka ayaa dadaalay, waliba kaligood ayaa fikarddaa sigay, waxey eeed u jeediyeen Beesha Caalmka, taa oo ah in Maal & mood ay ku taageeraan Somaliland, halka Puntland aysan hoo u heyn, Laakiin Keateng ma fahmin, oo meelna kama qaadin, taa oo sabab u ah in codsiga taageero ee odayaashu uusan u dhicin qaab shardi (Gacan & Gacan) haddana ay ka muuqato luqad ficil tan oo aan baabka wadahadalka loo adeegsan.

Sidaa darteeed baahi uma qabno in aan wax diidno, ee waxaan u baahanahay in waxa aan diideyno aan suuuq geyn karno, haddi aan gadi weynana, aaan baddel u dhigma u raadin karno, kaa oo dadka & deegaanka u soo noqonaya. ogooow wada hadalka siyaasadeed waa mid ku dhisan haddaan sida noo fiican weyno maxaa xiga oo dan in oo ah.

W/Q Mahdi Muse

mahdimuse@hotmail.com