MAQAAL:- Madaxda Soomaaliya iyo Wakiilada Bulshada Caalamka oo Heshiis Kuwada ah Fulinta Qasabuurka 4.5.

0

Waxaa shacabka Soomaaliyeed u cadaatay in madaxda sare ee dowladda Soomaliya iyo wakiilada bulshada caalamka oo ay horboodeyso UNku ay cadeysteen sida ay heshiiska ugu yihiin meelmarinta qaska loo soo abuuray Soomaaliya. Dadka qaarkood haddii ay u heysteen qasabuurka 4.5 iney hal-abuurkeeda lahayd Soomaalidu, hadda ha ogaadaan in shisheeyuhu qasbayo fulintiisa, taas oo ah hindiso Soomaalida lagu cadaadinayo iney ku sii jirto qaska siyaasadeed.

Raisulwasaaraha Soomaaliya ayaa gacanta loo soo geliyey inuu dardar geliyo xamaasada lagu abuurayo qaska oo ah sidii dib loogu curin lahaa qasabuurka 4.5 oo madaxda dowladu ay noqoneyso kuwa sida dhabta ah u qaadanaya doorkii hogaamiyeyaasha dhaqanka oo ah iney iyagu soo xulayaan ergooyinka iyo musharixiinta xildhibaanada baarlamaanka.

Waxaa horay loogu tuhunsanaa qoyska reer Sharmarke gacan ka bixinta dhulka Soomaaliyeed ee NFD sannadkii 1963, haddana waxaa taas soo raacday muranka la geliyey badda Soomaaliya 2009. Hadda waxaa si cad u muuqata in raisulwasaaraha Soomaaliya uu yahay shaqsiga u cad ee dib u soo curinaya ololaha loogu jiro qasabuurka 4.5 oo saldhiga loogu qotominayo doorashada 2016ka,isaga oo rumeysan inuu ku helayo hanti badan oo uu ka furto Damu-Jadiid.

Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa qasabuurka 4.5 doorkiisu yahay inuu walaaqo qaskaas cidii ay doontaba hala rogmatee, waxeyna ugu muuqataa in qasku uu yahay danta baarlamaanka oo horay ugu fashilmay inuu dib u habeyn ku sameeyo sharciyada dalka oo ay ka mid yihiin kuwa quseeya dimoqaraadiyenta dalka. Gudoomiyaha baarlamaanka oo inta badan wakhtigiisu ku dhamaaday u adeegida Damu-Jadiid iyo madaxtooyada ayaa aaminsan in sii wadida qasabuurka 4.5 uu u horseedi karo inuu noqdo raisulwasaaraha dowladda dhalan doonta kadib doorashada 2016ka. Qas-walaaqa ka muuqda gudoomiyaha baarlamaanka waa mid aan lahayn jiho loogu hagaago ama sal fadhiya oo ku qotoma fikir siyaasadeed. Waxaa xusid mudan in dib loo jaleeco doorarkii uu ka qaadanayey toosinta ama la xisaabtanka dowladda oo u dheelinayey marba dhinaca qaska wada.

Madaxweynaha Soomaaliya waxaa ka dhaadhacsan fulinta qasabuurka 4.5 iney u horseedi karto guul aan la loodi karin oo uu kala soo dhexbixi karo doorashada ku saleysan qasabuurka 4.5 ee qabsoomeysa dhamaadka 2016ka. Madaxweynaha waxaa u sawiran inuu wax badan u rukuucay aqbalida danaha shisheeyaha,sidaasna ay ku taageeri doonaan bulshada caalamka hamigiisa dhalanteedka ah oo uu ku rajeynayo inuu ku boobo doorashada 2016ka si uu marlabaad u noqdo madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaan arki doona hamigaas iyo bulshada caalamka waxa kala qabsada marka ay soo dhowaato doorashada 2016ka. Madaxweynuhu wuxuu ku caan baxay dhaqan aan muuqan oo salka ku haya kelitalisnimo, hogaanxumo ka turjumeysa inuu yahay hogaamiye-kooxeed si qaldan u adeegsada hantida qaranka iyo ciidanka nabadsugida, iyo beenabuur baahsan oo looga dhaqmayo hayadaha garsoorka oo si buuxda u meel mariya ku dhaqanka cadaaladdarida. Burburka ku dhacay taloxumada madaxtooyada waxey si wanaagsan uga muuqataa qalqalka iyo shakiga qaawan oo ka muuqda madaxweynaha oo xitaa amnidarrada isaga haysta awgeed aan kalsooni ku qabin madaxda kale ee u soo geleya xaafiiskiisa, kadib markii uu sicad u soo bandhigay in la baaro xildhibaanada soo gelaya xaafiisyada iyo garoomada. Madaxweynuhu kama uusan fekerin qasabuurka 4.5 inuusan isagu ka ahayn jilaa, lkn talada ugu dambeysa ay gacanta ugu jirto qaswadayaasha shisheeyaha oo markii horaba u abuurtay Somaaliya in laga dhaqo nidaamka federaalka ku saleysan ku dhaqanka degaanka qabiilka, kaas oo ah darajada sare ee qasabuurka 4.5 u dalacayo.

Bulshada Caalamka oo ku adeeganeysa wejiga Qaramada Midoobey iyo ciidamo calooshooda u shaqeysteyaala ayey dantoodu ka durugsan tahay hamiga ay rabaan madaxa Soomaaliyeed, waxey hindisahoodu yahay ineysan soo noqon madaxda Soomaaliyeed oo waxqabad la’aan awgeed ku kasban waayey kalsoonida shacabkooda oo ka sugayey iney soo gaarsiyaan adeegyada ay leedahay dowlad wanaagsan. Kuma iman wakiilka UNka isbedel dabeeciya, laakiin ujeedo xambaarsan fariin qarsoon ayuu ku yimid isbedelkaas wakhtigan ay Soomaaliya wajaheyso doorashada madaxda qaranka. Wakiilkii ka horeeyey kan hadda la soo xulay wuxuu ku sifoobey masuul jilicsan oo hawl fulintiisu ay ahayd mid daciifa. Bulshada caalamku waxey qasabuurka 4.5 ku raaligelineysa wadamada deriska oo dadaal badan u galay tabagelinta qaskaas, kuwaas shaxda siyaasadeed safka labaad kaga jira, kuna qeyqaadanaya magdhowga askarta uga dhimaneysa la dagaalanka argagixisada oo qorshahiisa ay wataan shisheeyaha fog.

Bulshada caalamku marna tixgelinmeyso rabitaanka madaxda Soomaalida ama ha u sujuudaan ama ha u rukuucaaan. Waxa keliya oo ay cabsida ka qabaan waa dareenka shacabka oo aysan dooneyn iney si mideysan u wada kacaan, waana taas mida qasbeysa iney dan u arkaan in la fuliyo qasabuurka 4.5 oo qeybinaya rabitaanka shacabka, iyo weliba iyagoo aaminsan in qasabuurkaas uu u suurtogelinayo wakiilo ay wataan oo matelaya ururada bulshada, sida haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay oo ay aaminsan yihiin iney danahooda u adeegsan karaan.

Bulshada Caalamka danta ugu weyn oo ay ka leeyihiin ku sii dhaqanka 4.5 waa iyaga oo aaminsan ineysan Soomaaliya gaarin weli xiligii loo talin lahaa ama ay tashan lahayd, taas oo ka dhalatay siyaasada murugsan ee u dhexeysa Mareykanka iyo Ingiriiska oo hormood u ah Midowga Yurub oo aan weli ka midoobin dhincyo badan kadib dagaalkii qaboobay ee adduunka. Khilaafkaas ka dhexjira reer galbeedka ayaa muujinaya ineysan bulshada caalamka diyaar u ahayn Soomaaliya ama in ay gasho maxmiyad oo hal dal lagu ogaado ama in lagu kaalmeeyo si daacada iney u hesho madaxbanaanideeda.

UNka qorshihiisu waa mid salka ku haya inta Soomaaliya ay dhinac u dhaceyso oo go’aan laga gaarayo xaalkeeda oo ay si rasmiya uga heshiinayaan wadamada daneeya iney si kmg ah dhawaq aan waxtar badan lahayn ku maaweeliso Soomaaliya inta lagu jiro xaaladaas si loogu maamulo dhaqanka kalaguurka.

Waxaad filataan mar dhow eedeymo loo soo jeediyo madaxda Soomaalida oo lagu fadeexeynayo ceebo badan oo ay la wadaagaan, haddana dhinaca kale ma doonayaan in la maxkamadeeyo eedeysaneyaashaas loo hayo cadeymaha, waxeyna u muuqataa in qasadka laga leeyahay dhaleeceyntaas ay tahay iney si nabada ku baneeyaan xilalka ay hayaan, haddii kalena caalamka intiisa kale laga cunaqabateynayo.

Xisbiga Dadka wuxuu u soo jeedinayaa shacabka Soomaaliyeed iney marka hore si mideysan uga horyimaadaan qasabuurka 4.5, marka xigana ay u midoobaan sidii uusan u soo noqn lahayn madaxweynaha Soomaaliya oo ah qasfuliyaha, kaas oo isku dhex qarinaya urur-diimeedka Damu-Jadiid oo Soomaaliya u horseedey kelitalisnimo iyo qaran-dumis aan laga soo kaban karin, kooxdaas oo ku caanbaxday boobka iyo iibgeynta hantida qaranka, dambileyaal darajo loo magacaabayo iyo maskiin xaqiisa la dulminayo, iyo xulasho ku dhisan daacadnimo shaqsiyadeed ama jecleysi ama naceyb shaqsiyadeed.

Qasabuurka 4.5 waxaa ku liibaaney madaxda maamul-goboleedyada cusub oo ku dhaqankiisa lagu soo xushay iyo kuwa iyagoon is ogeyn ku dhuumaaleysanaya federaalka oo ah magac bixinta casriyeysan ee qasfulinta 4.5. Waxaa ah wax lala yaabo in qolooyinka ku doodaya nidaamka federaalka oo ah hab ku dhisan qabiil iney mucaaradaan qasabuurka 4.5 oo isna ku saleysan heybta. Waxey taas muujineysa in xujooyinkooda qabiilka ay iyaga la toosan yihiin, lkn ay u muuqdaan folxumada qaawan ee kuwa kale ay qabyaalada dharka uga dhigeen. Jid walba oo ku arooraya habdhaqanka qabyaalada loogu qeybsanayo dowlada ama degaanka natiijadoodu waxba isma dhamaan oo Soomaalidu waxey horay u tiri “ood qaadis iyo jiidis waa isla guri geyn”.

Dr. Saciid Ciise Maxamud(SACIM)

Gudoomiyaha Xisbiga Dadka

Maine, United States of America

saciidciise258@aol.com