MAQAAL:- Puntland ma aha inay ka noqoto mowqifkeeda diidmo ee 4.5

0

Qofka mas’uulika ah dareenka mas’uuliyadda waa in laga arkaa, siduu dalka u burburay madaxdii ina soo martay intooda badan bal adigu qiimee, mid iska cayila, oo ma nin, maanta Soomaali mas’uul u ah baa ciyili kara?!…mid lacagaysta oo ganacsi yeesha, Allaah Akbar! xishood darradaas, lacag la soo baryay oo dadkii asalkeeda lahaaba ay ka xishoodeen inay naftooda u cunaan, bal midka aan lahayn ee cunaya ka waran isagoo waliba ka maarmi kara?! Mas’uuliyadd darradaas! Inta dalku burbursanaa madaxdii ina soo martay badankood eedaha iyo dhibaatooyinka laga soo sheego aqoon daro ma ahayn, farsamo xumo ma ahayn, laakiin waxay ahayd mas’uulid daro…wali ma aragtay waxa Beesha Caalamka lagu sheego oo soo saaray war bixin la xiriirta musuqmaasuq iyo xatooyo xoolihii ummadda oo ay sameeyeen madaxda Soomaalida, been ma aha, waayo iyagaa siiyay xoolihii ay Soomaalidaan ugu deeqnay yiraahdeen ama laaluush kalaba, bankiyada lacagtaas la dhiganayana iyagaa iska leh……maxaa intaas ka daran iyagoo sidaas loo ceebeeyay oo maradii ka dhacday bay sarriig la’aan isku sii adkayniyaan inay ummadda hoggaakeeda ahaadaan….laakiin Jawaari madaxiisa Alle ha ka shubo!

Mas’uulka noocaas ah ee raba inuu sidaas ku nolaado ma kula tahay inuu raali ka noqon karo nidaam dowladeed oo wanaagsan, ama aan ahayn 4.5?! nin kasta waa garan karaa jawaabta, ha la i soo doorto hadana yaan layla xisaabtamin, waana sida uu hadda Xasan SHiikh Max’ud qorshaystay, ha la i soo doorto waxaan doonana aan aniga keligay gooyo…..wali waxaa is weydiiyaa bal hal maalin oo uu ummadda ula dhaqmay sidii nin iyaga mas’uul u ah, ka soo bilow maalintii la doortay iyo hadda oo uu xilligiisii gabogabo yahay, Cabdi Faarax SHir-Doon (Saacid) waa la ogaa fool-xumaday ku kala tageen, Jawaari madaxiisa Alle ha ka shubo! Waa ninka dulmiga lagu sharciyeeysto, waana ninkii yiri Saacid ma hadli kartid mudanayaashana sooma hor joogsanaysid waa dacwo waligeed Max’ed Cusmaan Jawaari meel u taal taariikhdana ku qornaan doonta, godob dadka iyo dalkaba ay ka galeen isaga iyo mudanayaashii 4.5ka lagu keenay, waana sabab ka mid ah sababaha uu Xasan SHiikh Max’uud wali uga sabri la’yahay nidaamkaas 4.5ka ah.

Xasan SHiikh Max’uud, waxaa madax-weyne loo doortay 2012 iyadoo run ahaantii siyaasiyiintii markaas joogay oo uu ugu horeeyay madax-weynihii dowladdii ku-meel-gaarka ahayd SHiikh SHariif Axmed aad moodaysay inay isu soo dhowaadeen soona gaaraan heer ay wada fariisan karaan, wada shaqayn karaan, wada hadli karaan, oo ay noqdeen dad saaxiibo ah, ayaa mar keliya si aan laga fiirsan laynoo keeno nin aan la aqoon, fikrad laga haysan, tijaabo aanla soo marin, Xasan SHiikh Max’uud, maxaan ka dhaxalnay inuu maanta yiraahdo si aniga laysoo doorto 4.5 waa in nidaamka dowladeed ee dalka uu noqdaa, waase hadii laga yeelo! Waa nidaam uu ku soo caano maalay, Cabdi-Wali SHiikh Axmed oo ah ra’sal wazaarihii dalka ayaa waziir ay Xasan Shiikh Max’ud saaxiibo ahaayeen/yihiin Faarax Cabd-ul-Qaadir Max’ed ka bedelay wazaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka isagoo aan ka eryin golaha waziirrada una bedelay wazaaradda Xannaanada Xoolaha haddee maxaa dhacay?! Waa la ogaa Jawaari oo isagu malaha kursiga uu ku fadhiyo u haysta inuu Xasan SHiikh siiyay oo aan u haysanba inuu codka ummadda meesha ku yimid ayaa isna sidiisii la soo saftay ilaa ra’iisal wazaarihii sidaas xilkiisii ku waayay!….waa nidaamka 4.5 nidaamka dalka iyo ummadaba u garba duubay Xasan SHiikh Max’ud iyo saaxiibkiis Max’ed Cuthmaan Jawaari, waa nidaamka dowladnimadeenii iyo sharaftii ummadda Soomaaliyeed loo soo maray walina niman dan gaar ah leh ay rabaan inay innagu hayaan.

Waxaan aad uga xummahay in SHiikh Axmed Madoobe uu yiraahdo wax Beesha Caalamka loogu yeero baa innagu qasbay inaan oggolaano nidaamka 4.5, SHariif Xasan SHiikh Aadan madax-weynaha Koonfur-Galbeed isaga horay buu u sheegay inuu isagu sidaas door bidayo, Cabdi-Kariim Xuseen Guuleed markiisii horaba arrintiisa oo dhan baa waxay ku dhisnayd “Allow Xasan SHiikh Xoolaha u Kordhi Aan Ka Xoogsanee” marka dhammaan haddii aad dheb u qeex is tiraahdo nimanka hor ordaya in nidaamka 4.5 dalka ku sii jiro waxaa kuu soo baxaya inaysan dan ka lahayn waxa dadka iyo dalku u baahanyihiin dano shakhsiyadeedna ay u xisheen, waxaana u malayniyaa Cumar Cabd-Rashiid Cali SHar-Ma-Arke in asagana ay qasabtay waxa Beesha Caalamka loogu yeero.

Calaamadaha qofka Xil-kasnimmadiisa ku tusi kara waxaa ka mid ah inuu qofku wax ka tag leeyahay, inuu markuu gefo garowshiinyo ka bixiyo, waa labo calaamadood oo an wali lagu arag madax-weyne Xasan SHiikh Max’uud, khilaaf kasta oo isaga iyo siyaasiyiinta dhex marayna haddii aad dib u jaleecdo waxaad arkaysaa ama ha khaldanaado ama ha saxnaado (maba xasuusni mar uu saxnaa hadaysan aqristayaasha ii sheegayn) inuu ku soo dhammaaday in lagu kala adkaaday, tii waxaa u dambaysay maamulka loo samayniyo SHabeelaha-DHexe iyo Hiiraan, odayaashii reer Hiiran oo wixii uu waday oo dhan ka hor yimid buu Jawhar shir maqaar saar ah ku qabanayay, laakiin maanta nidaamkaan cayda ah ee 4.5 Puntland inay ka yeesho ma aha, goa’aankaas wuxuu runtii hiil u yahay qaranimo Soomaaliyeed.

Waxaan aad ula yaabay hadal uu Kismaayo ka jeediyay ninka la yiraahdo Michael Keating oo uu ku yiri “ ….Anngu waxba talo ah kuma lihin samaynta nidaamka siyaasadeed ee Soomaaliya, haba yaraatee, run ahaantii waxba talo kuma lihin, haa laga yaabo 20sano ka hor inay taas dhici jirtay, laakiin maanta waxaan taageerayaal keliya…..” Af-kala-hays iyo amakaag! Laakiin Nicholas Kay taas inooma sheegin wax kastana isagaa karkarinayay!….tan kale SHiikh Axmed Madoobe sababta ugu weyn ee uu u oggolaaday inuu taageero nidaamkaas waxaa ugu muhiimsanaa cadaadis iyo handadaad uga timid Keating iyo saaxiibbadiisa magacyada badan, oo isaga Xasan SHiikh Max’ud iyo ragga la socda barasho isaguma laabnayn. Runtii waa dhibaato iyo dib-u-dhac aad u weyn waxa ay ka shaqeeyeen Michael Keating iyo saaxiibadiis, waan qorshe wali lagu dhibaataynayo jirtaanka qaranimmada Soomaaliya, waana arrin u baahan in ummadda Soomaaliyeed ay si wada jir ah uga hor tagto, waana in shacabka Soomaaliyeed gartaa danaha ka dambeeya, waana inay gartaan dalka inay iyagu leeyihiin, danta burburaysana inay tahay dantooda iyo aayha Jiilkii 3aad ee hadda dhashay ilaa iyo intii uu dalka burburay.

Dowlad goboleedka Puntland iyo shacabkeeda waxaan ku dhiiri gelinayaa inay go’aankaas ay qaateen ee wadaniyadda ah, ee u adeegay aayaha qarankii Soomaaliyeed, ay ku adkaystaan, waxaan sidaasoo kale aan shacabka Soomaaliyeed ku baraarujinayaa inaysan talada ka hoosan, oo ay taageeraan mowqifka shacabka iyo maamulka Puntland, waxaana haboon in shacabka inay meesha loo guurayo ay iyagu tilmaamaan oo ay iyagoo isku kalsoon talada dalka kaalintooda ka muuqataa. Shacabka wax ka qarsoon ma jiraan, wax idinka qarsoon oo talo ahaan xaaladda khatarta ah ee dalkiinu ku suganyahay aad cid kale marti ugu noqotaan ma jirto, maalin kasta oo uu sii jiro nidaamka 4.5 waxaa sii kordhaya kala fogaantiina, waxayna fududaynaysaa in colaad dhexdiina cid kasta ka abuurto….Diida 4.5, una istaaga nidaam dowladeed oo dhidibo adag iyo inaad Qaranimadeenii soo ceshano.

Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk