MAQAAL:- Puntland nin go’aan leh iyo nimaan go’aan lahayni guul uma sina

0

Aduunka taariikhaa qorma,dalka ruushka waxaa ka dhacay bur bur xoogle iyo dagaalo aad u naafeeyay,kadib markii uu talada dalkaas gacanta ku dhigay nin jileec madaxwayne mikhail gorbachev 1990. Talada dalkaas waxa uu hayay sanad uun madaama 1991 burburku dhacay xilkana uu kadagay.waa 1990-1991 dii. dalka ruushka waxa la oran jiray ussr oo waxa uu ahaa dal baaxad wayn awoodna leh diciifka ka hor. ninkan waxaa soo adeegsaday wada mada galbeedka ee maraykan hormuudka u yahay markuu ruush kala dirayna bilad sharaf bay siiyeen.waxa uu noqday dalkii xooga lahaa ee la tartami jiray qiwadaha reer galbeed mid ku soo hara uun jamhuuriyadii raashiya,intii kale waa lakala gooyay oo laga dhigay mid walba dawlad madax banaan.

Tani waxay i xasuusinaysaa,sidaa si lamid ah in puntland dr abdiwali gaas loo soo diray oo ay adeegsanayaan danlay shisheeye iyo sokeeyaba leh,wuuna kala diray puntland.kohor dr gaas puntland waxay ahayd dawlad gobleed xoog leh,dhaqaalo leh isku duuban anoon inkirsanayn in dhaliili jirtay hadana waxbaa noo cayn sanaa.GORBACHEV kan puntland wuxuu heshiis ku galay in gobolka mudug la raaciyo Galmudug state caasimadana laga dhigo Gaalkacayo in lasiiyo beelaha waqooyiga galkacayo dagan 6 xubnood oo loogu qoon deeyay sidan hoos ku qoran.

3 xubnood cumar maxamuud

1 cubin leelkase

1 cali ibraahim(reer biciid yahan)

1 maxamuud ibraahim(reer maxamuud)

Waxaan qayba helin beelo farabadan oo dagan galkacayo iyo waqooyiga mudug.waxaa loo dhiibay kharashkii madax tooyada maamulka GALMUDUG STATE uu ku shaqayn lahaa waana socotaa dhimahaasi.arintan waxaa usoo dhiibay GORBACHEV KA puntland dawlada fadaraalka ee mogdisho fadhida iyo beesha caalamka madaxwaynaha galmudug cabdikariina waa fadhiyay heshiiskaas. waxa uu shacabka puntland gaar ahaan mudug u jilay riwaayad ah si aan dadku isu waydiin,gobol iyo bar tastuurka fadaraalkuba maqabee sidee dawlada fadaraalka ahi u orankartaa gobol iyo bar baa ah dawlad goboleed? malaha waxaa jira waxaynaan ogayn ee aan waydiino dr gaas madaxwaynaha puntland arintaa sababta uu u ogolaaday? waxan uu dadka u sheegayo ee maaweelada ah iyo kiis iska waalka waa qorshe loo dajinayo sidaa yeel la leeyahay weeye.dad reer galkacayo ah ayaan wali fahmin in ay galmudug yihiin oo madaxwaynaha galmudug cabdikariin u yahay madaxwayne dadbaan wali fahansanayn oo la dhumiyay waysi arki hada.
Doorashooyinka dalka ee 2016 dawladu waxay kulmisay dawlad goboleedyada fadaraalka ah madaxdooda oo uu kujiro GORBACHEV KA puntland.dawladu waxay u sheegtay sidii ay adicaadaha iyo taleefishinada aan ka daawanayba in ay noqdaan madaxwayne walbaa dadkiisii la soo tashado soo waydiiyo waxay rabaan iyo siday wax u arkaan,kadib laysu soonoqdo dabadeedna go aan lagaaro kama danbays ah oo madaxdu wada gaaraan.nin walibi goboladiisii buu tagay dadkii waa lawargaliyay go aan bayna soo dhiibteen waxay latahay iyo sida ay rabaan oo go aan ah xagooda. shirkii ayaa laysugu yimid ugu danbayn mogdisho si ninwaliba u dhiibto go aankiisa.kadibna dawladii baa hadashay oo dhiibtay go aan keeda oo ah in 4.5 la qaadanayo doorashada soo socota sidaa lagu salayn doono.beeshii caalamkuna wa ku raaceen,kadibna madaxdii goboladu waa sixiixeen oo ku raacan ayana si buuxda. isla goobtii ayaa dawladu ku dhawaaqday in sidaa lagu heshiiyay lana go aamiyay.madaxwayne goboleed diiday oo yiri anigu mana sixiixayo kumana jiri go aan kaan mana doonayo anigoo ah madaxwayne gobol arintaan ah 4.5 waana ka baxay shirkiina maadaama aana idinku waafaqsanayn arintaa aad go aan sateen nin yiri lama hayo. beesha caalamka iyo dawlada fadaraalka way ogyihiin wax yaabaha ay qabaan dadwaynihii gobolada kala duwan ee lasoo waraystay,waxa lagaarayay baa ahaa aragnay fikirkii dadwaynaha soomaaliyeed,ee waxan u fadhinaa go aanka madaxdiinaan halkan fadhida nin walibana waa sheegay go aankiisa waana laysku wada waafaqay dhamaan. waxaana uugu horeeyay dr gaas cida waa faqday waxaa ku xigay axmed madoobe shariif ayaa u danbeeyay.

Go aankaa waa lagaaray shirkaasina waa dhamaaday majirto madax goboleed danbe oo arinkaa isaga imanaya waayo nin madax ah oo diiday majiro.laakiin dr gaas ayaa dhib haystaa ah dadkii maxaan u sheegi,waxaa layiri anagaa u iman dadka oo ku badbaadin adiga markaa tiibaa socota.shacabka puntland go aan kuma harin oo horay u dhiibteen siday wax u arkaan,kaalinkii madax waynaha ayaa la joogaa oo ahayd aftidii dadwaynaha iyo go aankoodiiba isiiye in uu shirkii mogdisho diido 4.5 oo shacabkiisa la fikir noqdo iyo inuu yeelo maxaa jira waa madax Wayne umad dhan matalaya suura gal maha in uu ugu sheekeeyo go aan ma gaarin. hada idinku way idiin soosocdaane go aan gaara!!? oo hada ma go aan gaaris baa jirta? hada waa fulin ee go aankii mogdisho sowkii lagu gaaray aduunkoo dhana iyo soomaaliba loo sheegay adna aad dhex fadhiday oo aad wax ka go aamisay sida madaxduba cadeeyeen. hadaba dawlada fadaraalka ahi iyo beesha caalamkuba way ku guuleeysteen diridii loo soodiray kala dirida puntland iyo ka takhaluskeeda siyaaso ahaan dr abdiwali.wadana waxaa laga adkaadaa marka lahelo madaxdiisa u saraysa sidan puntland.GORBACHEV Kii ruushka waxa uu kudanbeeyay kadib markuu dalkiisii kala diray oo burburiyay,in reer galbeedku u dhiibeen in uu xayaysiiyo PIZZA muqaayadaha laga cuno galbeedka hada waa ninkii madaxwaynaha u ahaa mid kamid ah labada dal ee caalamka ugu xooga badanaa,hub iyo dhaqaalaba.

Wadaniga iyo shacabka puntlnad ee xalaasha ah ee jecel dalkooda iyo dadkooda soomaaliyeed ee jecel dawladnimada iyo hormarka dalka ee jecel karaamada iyo wada jirka puntland waxaan xasuusinyaa in aad loo fahmo shaqsi madax ah oo aad hogaan u dhiibateen kuna aaminteen kashaqaynta mustaqbalka dalkiina,hadaad aragteen in uu wax u dhimayo masiirkiina iyo aayihiina iska tuura oo magacda hogaan si dagdag ah amrkiiba.

Waxaan qabaa dhibmalaha ninku haduu wax yaabaha qaarkood ku tala xumaado,waa loo dulqaadan karaa,xataa lacag la cunay iyo qaraabo kiil iyo waxaas waa laga kaban karaa khaladba ha ha ahaatee.madaxwaynuhu waa shaqaale idiin shaqeeya oo aad aaminteen,mudo yar kadibna xilka ninkalaa iman sida dr gaas rag badanba uuga horeeyeen oo madax uuga ahaayeen puntland.markaa madaxwaynuhu marwalba waa kii taga oo kadaga xukunka kol haday sidaa tahay maha in uu inta uu joogo ku ciyaaro aayihiina isagoo tagaya.

Ninkani caruurtiisa iyo ilmaadeeradii iyo qabiilkiisa iyo puntland oo dhan mustaqbalkoodii yuu la dagayaa ee maha in uu cid u danaynayo waa in sidaa loo fahmaa. dhanka kale uuma diidayna isaga wax kale haba yaraatee.markaa dadku ha arkaan labada waji ee ninkani isticmaalayo ee ilmaha yari garankaro.khalad cad baan ku haysanaa laga yeelimaayo in uu isticmaalo caadifad qabiil iyo kursiga reeraa igu haysta laga yeeli maayo awrkukiciskaas beenta ah dhabtu waxaa weeye hoosaasin puntland uu u loogay cadaw kala diray. walina uu hamuun usii qabo in layna sii kala diro oo waaba soo indha cad yahay.aabahaa haduu dhalay ama wiilkaad dhashay yahay ninka danta guud ee umada iyo masiirkooda burburinaya oo baabi inaya hadaad aragto waa la qabtaa ee wada dhalasho looma raaco.

Waxaana jira aduunyadan dadbadan oo aan dan kalahayn dal iyo diin iyo sharaf umadeed midna oo si aad ujaban oo ufudud loo isticmaalo waa buux aduunyadan markaa puntland indhaha ha furto maba aamin saniyee bal haday isdaba qaban karto haysdaba qabato.Gorbachev ka puntland kahor waligay ma arag madaxwayne aan lahayn go aan cad kama hadlayo ma go aan fiicanbaa oo dalka anfaca mise go aan xun oo dalka u daran.

Waxaan aad u ognahay in taa macnaheedu tahay in wax kastoo talo muhiim ahayd oo go aan u baahnayd in lasyka maamusho isaga oo loogaaro go aankii uu isagu xaqa u lahaa. macnaheedu maha in go aanba uusan jirin oo dhicin ee cidkalaa isagan dr gaas ah u gaadha weeye sida kan mudug iyo doorashada 2016 dhacaysa somaaliya hadii illaahay idmo. ninkaan hore u aragoow si faacan u arag sawirkaa korku xusan waa GORBACHEV KII PUNTLAND KA TAKHALUSAY.waxaan sugnaaba waa mogdisho oo u dhiibta muufo isagoo xaysiinaya ninkaan dalka dhan ku aaminay!!!.

Puntland horaan ulataliyay maqaalo horaan ku sheegay waxay samaylahayd siday aniga illa tahay.markaa talo waa taydii hore uun.soomaaliya guud ahaan iyo gaar ahaan puntland khayr baan u rajaynayaa.

W/Q:- Yuusuf Cumar