Maqaamkii & Mudnaantii Ceelbuur Ciil iyo Caloolyow baa u dambeysay.!!!! (Warbixin Xiiso leh)

0

Magaalada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud waa magaalo taariikh fog leh, waxaana xiligaan ay tahay mid ka duwan xaaladihii hore ee soo maray, waxaana hada ka jirta xaalad adag oo dhanka nolosha ah taasi oo ay sabab u tahay hardanka u dhaxeeya ciidamada AMISOM, Dowladda iyo Al Shabaab.

Deegaanada ugu badan ee Xaalada adag ay ka taagan tahay waxaa kamid ah Ceel-shiil, Dac, Wabxo, Ceel Qooxle, Ceel-lahelay kuwaasi oo ay si gaar ah saameyn ugu yeesheen dagaaladii ugu dambeeyay ee halkaa ka dhacay, waxaana degaanadaan ay yihiin kuwo dadkii deganaa ay ka qaxeen.

BAAHIDA DHANKA BIYAHA EE DEEGAANKA.

Inta Badan Deegaanada Ceelbuur hoostaga waxaa ay leeyihiin ceelal biyoodyo biyaha looga soo saaro wadoomo, waliba meelaha qaar ceelasha waxaa ay la egyihiin wax ka yar 1mtr dhirirkooda, sida Deegaanka Wabxo, Balse waxaa jiro meelo ceelashoodu aysan aheyn biyo macaan, waxaana meelaha qaar la duugay ceelkii biyaha.

Gudaha magaalada Ceelbuur ceelkii ku yiilay bamkiisii waxaa ka qarxiyay Al Shabaab markii ay magaalada faarujinayeen.

Deegaanku waxaa uu u baahanyahay in lala gaaro bambooyinka ceelasha biyaha ka soo saara iyo agabyo kale oo ceelasha nadaafadooda ka qeyb qaadan karto, maadaama dadku yihiin dad danyar ah.

WAXBARSHADA DEEGAANKA

Inta badan waxaa ku yaala Degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri ilaa Dugsiyo Sare balse u xirmay sababo badan oo deegaankaas u gaar ah iyo dhaqaalo xumo soo wajahday, waxaana hada shaqeeyo iskuulaad yaryar oo tuulooyinka, waxaana sidoo kale gaabis galay dugsiyadii quraanka oo ay badaleen goobo aan caruurto lagu aamini Karin.

Waxaa degmooyinkaas iyo tuulooyinka hoos yimaado ay u baahan yihiin in lala gaaro gurmad, dadka indheergarad ka u ahna ay maraan wado walbaa oo caruurta halkaa degan waxbarasha wanaagsan u heli lahaayeen.

WAX SOO SAARKA DEEGAANKA

Dadka ugu badan ee Degan Degmooyinkaan waxay beertaan beeraha waxayna caan ku  yihiin digirta gaduudan, sidoo kale waxaa deegaanka Ceelbuur ku dhaw ku caantahay dhagaxa laga sameeyo burjukada oo loo iib-geeyo inta badan gayiga Soomaaliya, iyo wax soo saarka cusbada.

Beeraleyda ayaa ii sheegtay in ay sanadihii la soo dhaafay aad u yaraayeen tacbashada beeraha, maadaama aysan jirin cid ku dhiirra karta in ay beer u tabcatto sidii la rabay.

WAA SIDEE DEEGAANKA IYO CIMILADIISA

Bartamaha Magaalada Ceelbuur oo ah magaalo qadiimi ah ayaa waxaa ku caariyay cusbo maadaama magaalada ay dadkii deganaa kaga qaxeen dagaalada u dhaxeeya ciidamada AMISOM, Dowladda iyo Al Shabaab oo dadka ku qasbayey in ay ka guuraan goobaha ay imaadan ciidamada dowladda iyo AMISOM.

Sidoo kale gudaha magaalada Ceelbuur waxaa la jaray oo ciidamada magaalada degan ay ka dhigteen dhuxul ay shitaan dhirtii magaalada sida geedka loo yaqaano ceelbuur ku yaale oo magaaladu ku caantahay, waxaana taasi ay sababtay in isbedel ku yimaado magaalada.

Odayaasha dhaqanka iyo dadka bulshada magaca ku leh ee wali ku nool deegaanka ayaa ii sheegay in dhulka ku yaala miyiga uu ka muuqdo nabaad guur aad u daran maxaa yeelay waxaa aad loo jaray oo la baabi’iyayay geedihii waxtarka lahaaa ee goobahaasi ku yiilay, waxaa la jaray oo dhuxul laga dhigay geedo badan oo xoolaha iyo Dadkuba ay manaafacaadsan lahaayeen, mana jirto cid ka hadasha ama ka dhiidhisa in aan la nabaad guurin geedaha, marka laga soo tago jarista geedaha waxtarka leh ayaa waxaa dhulkii dooga ahaa ee tacbashada beeraha qariyay geedka Soomaalida u taqaano geed Yuhuudka kaasi oo shaki la’aan hadii sanadaha soo socda aan lagu qaadan ololo ka dhan ah lawaayi doono dhul beered wax soo saar leh, waxana beereleyda ay kuu sheegayaan in ay tabar u waayeen jarista geedkaasi. Wax ayna dalbadeen in gacan laga siiyo sidii loo tirtiri lahaa amaba ugu yaraan loo yareyn lahaa faafitaanka geedka Yuhuudka ama kaligii noolaha.

Gargaarka Dhanka Bini’aadanimda .

Dhamaan Degmooyinkaasi ma jiraan wax hay’addo ah oo si toos ah iyo si dadbanba u geeyo gargaar, marka laga reebo dadka deegaankaas ka soo jeedo oo gaarsiiyo waxyaabo aan dabooli karin baahiyaha jira.

Goobaha ciidamada AMISOM iyo Kuwo dowladdu joogaan ma jiraan wax gargaar ah oo la gaarsiiyay, waxaana taasi sabab u ah dadka oo baqdin ka qaba hadii raashid ay hay’add keentay ay qaataan in ay dilaan ururka Al Shabaab.

Waxyaabaha la yaabka leh ee la iska indha Tiray

Gudaha Degmada Ceelbuur waxaa hada ku sugan ciidamada AMISOM iyo ciidamo beeleed tiro yar oo deegaankaas ka soo jeeda balse aan dowladda ka helin wax kaalmo ah iyo ciidamo beeleed ka amar qaata madaxweynaha Soomaaliya oo ujeedka ay halkaasi u joogaan uu yahay in ay ka xureeyaan Al Shabaab Degmada Ceeldheer oo daris la ah Ceelbuur.

Madaxweynaha Soomaaliya, Madaxweynaha Galmudug, Wasiiro halkaa siyaabo kale duwan u tagay ayaa si isku mid ah balan qaad aan afka baarkiisa dhaafsiisneyn u sameeyay dadka deegaankaas.

Balanqaadyadaas waxaa kamid ahaa in ciidamo u diri doontaan Ceelbuur si ay u xureeyaan deegaanada kale ee hoos yimaada, iyo balan qaadyo kale, walina mid kamid ah ma fulin.

Waxaa taas cadeeyn u ah 150 askari oo loo tababaray sugida amniga Degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri oo hada ku xareysan warshadi hore ee Nacnaca ay ilaa hada dowladda ka helin wax garab ah sida agabkii ay shaqada ku qaban lahaayeen, taasi oo ay ka muuqto in dowladdu si ku talagal ah ay iska indha tirtay.

Dareenka Shacabka Ceelbuur & Galhareeri

Markii ugu dambeysay ee ciidamada Ethiopia ay la wareegeen magaalada Ceelbuur ayaa waxaa ka qaxay magaaladaasi shacabkii deganaa, taasi oo shacabku ku sababeeyen in hadii ay magaalada sii deganaadaan ciidamada Ethiopia magaalada baneeyaan in Shabaab ay qoorgooyo ku sameeyaan sida horay u dhacday mar ciidamada Ethiopia magaalada ka baxeen shacab badan qoorta laga jaray.

Waxaa kaloo ay aaminsanyihiin in Maamulka Galmudug uu magaaladaasi duudsiiyay mudnaantii iyo maqaamkii ay laheyd maadaama aytahay degmada kaliya ee maamulkaasi hoostagta ee leh qeyraad kale duwan iyo wax soo saar muuqda.

Mid kamid ah Dhaqanka degadaasi wali ku sugan oo si weyn dalka looga yaqaano ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya, Beesha Caalamka, hay’addaha gargaarku ay la gaaran gurmad toos ah iyo mid aan toos aheyn oo isugu jira adeegyada aas aasiga ah sida caafimaad iyo waxbarasho.

Waxaa kaloo intaasi uu ku daray in xubnaha dowladda ku matala degmadaasi in looga baahanyahay in ay olole ceelbuur loogu gurmanayo ay kow ka noqdaan, taasi oo hada aan muuqan.

W/Q: Mohamed Abdullahi Hassan (Ciideey)

Email: Maxamedciidey@gmail.com

Tell: +252615689047