Daawo Muuqaalka Michael Keating oo gaaray Magaalada Beydhabo, kulana la qaatay Madaxweyne Shariif Xasan

0

Wakiilka gaarka ah ee hoghayaha guud Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Michael Keating ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG maamulka koofur galbeed.

Waxaa Magaalada Beydhabo ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Maamulka koofur galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Shekh aadan iyo masuuliyiin kale.

Labada masuul ayaa waxay ka wada hadleen arrimo ku saabsan doorashada dalka ka dhicidoonta sanadkan, iyo sidii maamulkaasi looga taageeri lahaa dhinaca horumarka.

Sidoo kale waxay ka wada hadleen hormarinta deegaanada Maamulka Koofur galbeed uu ka taliyo iyo sidii QM ay u taageeri lahayd Maamulka.

Wakiilka gaarka ah ee hoghayaha guud Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Michael Keating  uu booqasho ku tago magaalada Baydhabo tan iyo markii loo soo magacaabay soomaaliya.

Hoos ka Daawo Muuqaalka:-

https://www.youtube.com/watch?v=UV_O08_Im9w